|

Fadeexado ka soo baxaaya waftigii gudoomiyaha Waddani ee UK Qaybtii 1’aad

(SARKAAL KA TIRSAN WASAARADA ARIMAHA GUDDAHA OO LASOCDAY WAFTIGII GUDOOMIYE CIRRO HOGAAMINAYAY EE LONDON SOO GAADHAY 28/09/2012. (Wasiir Duur waxa uu ku yidhi Sarkaal Nuur, Halkan waxa wada fadhiya aniga iyo Wasiir Xirsi, waa maxay xaflada sidan u eeg aad Gudoomiye Cirro u qabateen?, malacag baan u baahantihiin?- Caanan badan dusha ka saaray Sarkaal Nuur

Haykalka dawladnimo ee Somaliland iyo muuqaalka dhabta ah ee  kajira dhacdooyin badan oooy ka mid tahay ku tagri falka xilalka dawlideed ee loo hayo Wasaaradaha Somaliland waa mid kala aad u fool xun.

Bishii hore waxa soo booqday wadan UK, wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka oo ka koobnaa afar xubnood oo kala ah Gudoomiye Cirro, Ahmed Hassan Egal, iyo Gudoomihii hore ee urur siyaasadeedkii Horyaal eek u biiray Waddani Mustafa Abdillahi Kaydsane. Waxa isna waftiga la socday Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Somailand oo Magaciisa layidhaa NOOR HUSSEIN XAAJI HASSAN.

Sarkaalkan Noor Hussein Xaaji Hassan waxa uu wadankan UK ka tagay kadib markii Wasiirka Arimmaha Gudaha DUUR loo magacaabay xilka uu hayo manta. Mudan yar kadib waxa Wasiir Duur uu u magacaabay Nuur Xaaji Hussein , Consultant, ka mushahar qaata UNDP iyo US AID. Mushaharka uu qaatana ay leegtahay $3000.

Waxaan uga gonleeyahay maqaalkaygan in intii uu ku magacawnaa xilkaa wasaarada uu u hayo sarkaal Nuur, uu la shaqaynayay Gudoomiyaha Ururka Waddani, islamarkaana uu u raacay safari badan oo uu Gudoomiye Cirro ugu baxay wadanka gudihiisa iyo debadiisaba.

Haddaba maanta oo bishu tahay 23 October 2012, sarkaal Nuur weli waxa uu ku sugan yahay wadanka UK, waxaana uu ka qaybgalaa dhamaan shirarka uu Urursiyaasadeedka Waddani UK uu ku qabsado, taa waxaa idiinka markhaati ah Sawirada uu Sarkaal Nuur ka muuqdo, TV laga soodaayay markii wafatigii Gudoomiye Ciiro ka soo degeen Wadankan UK 28th Sep 2012, xafladii ururku yeeshay 06 October 2012, xafladii Ururka Waddani ee Sheffeild iyo Birmingham.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somailand Wasiir oo ay isku qabiil ka soo jeedaan Sarkaal Nuur, isagaa ayaa u faxsaxay inuu la shaqeeyo Gudoomiye Cirro, haday tahay ololaha wadanka gudihiisa iyo haday tahay wadanka debadiisa.

Sarkaal ka tirsan Urursiyaasadedka Waddani UK, ayaa wuxuu ii sheegay isagoo layaaban sida wax iskugu khaldan yihiin, in markii xaflada Waddani ku qabsaday London 06th Oct 12 laga soo daayay HCTV habeenkii danbe uu Wasiir Duur isagoo xanaaqsan la soo hadlay Sarkaal Nuur, kuna yidhi, (Wasiir Duur waxa uu ku yidhi Sarkaal Nuur, Halkan waxa wada fadhiya aniga iyo Wasiir Xirsi, waa maxay xaflada sidan u eeg aad Gudoomiye Cirro u qabateen?, malacag baan u baahantihiin?- Caanan badan dusha ka saaray Sarkaal Nuur.

Haddaba Somailand ma sidaasaa u danbaysay. Halkaa waxa ka cad in Wada shaqaynata hoose ee ka dhaxaysa wasiir Duur iyo Ururka Waddani…………

Lasoco qaarkaloo badan…….

Ali Yusuf

aliyusuf554@gmail.com

 maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha qaar ayleedahay shabakada qurbojoog.com .

Comments are closed