|

Fadeexadii Hab Maamuus ee Uu Ku Tallaabsaday Wasiir Waran-cadde Iyo Sawirkii Warbaahinta Ka Soo Baxay

Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Shalay si baratakoolka ka baxsan oo nidaam darro ah kamaradaha sawirku qabteen, isagoo fadhiya goob nusqaan ku ah milgihiisa shakhsinimo iyo haybadda xilka qaran ee dusha u saaran labadaba.

Baratakool-xumaa-wasiirkuWasiir Waran-cadde oo maanta kala qeyb galay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin kale oo badan xaflad balaadhan oo ay jaamacadda Hargeysa kaga qalin-jabiyeen 930 arday oo ka aflaxay kuliyadaha kala duwan ee lagu dhigto jaamacadaasi, ayaa kamaradaha ka soo baxay isagoo kursi ahayn dul baxay xubno ka mid ah masuuliyiintii qaranka ee xafladaasi iyagana lagu casuumay.

Waxa uu cidhiidhsaday oo uu fadhiistay meel cidhiidhi ah oo uu miis miis yar oo kuwa alaabta la dul-dhigto ah uu fadhiistay, isagoo dusha uga baxay Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Dr.Cali Yuusuf Axmed.

Qaar ka mid ah hawl-wadeenadii xafladda qaban-qaabinayay ayaa mar aanu la xidhiidhnay waxay noo sheegeen inay laftoodu dhaliilsanaayeen meesha foosha xun ee Wasiirku fadhiistay iyo culays ay sheegeen inuu geliyay masuuliyiintii fadhiday halkaasi.

Wasiir Waran-cadde ma aha, qof aqoon darro ka hayso baratakoolka, waxaanu ka mid yahay dadka waayo arragnimadda shaqadda lagu majeerto ee shaqaynayay muddo afartan sanno ku dhow. qormaddan-na ugama jeedno inaanu sifo shakhsi ah wax ugu dhino cirdigiisa, hase yeeshee waxa aan uga gol leenahay inuu hadda ka dib isaga iyo qayrkiiba ay ilaaliyaan haybadda dawladnimo.

Comments are closed