Facebook oo loogu taag la’yahay in ay soo Gudbiyaan Xogta Burcad-badeeda Bogeeda laga Hago
New York July 31,2013(SDN)-Qaramada Midoobey ayaa tiro dhawr jeer waxa ay maamuleyaasha Barta Internetka ee Facebook ka dalbadeen in ay soo guddbiyaan Xogta Madaxda Burcad-badeeda Soomaalida.
QM ayaa qaba in werarada iyo kala macaashka Burcad-badeeda Soomaalida laga hago barta Internetka ee Facebook.
Sida lagu xusay warbixin ay dhawaan daabaceen guddida la socodka Soomaaliya iyo Eritrea Facebook ayaa amusnaan uga jawaabay dalabyo ay u guddbiyeen oo ku saabsan xogta Buracda Soomaalida.
Matt Bryden oo hore u ahaa xiriiriyaha Guddida la socodka xaaladaha Soomaaliya ayaa sheegay in Facebook aan weli la hordhigin dalab maxkamadeed.
Facebook ayaa sidoo kale aan ka jaawaabin codsiyo saxaafadu ula tagtay oo arinkan ku saabsan.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com