|

Facebook-ga Oo Lacag Laga Dhigi Doono Iyo Xalka Loo Hayo Dadka Aan Awoodin

Washington:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Adeegga ay Bulshada Caalamku war isgaadhsiinta u isticmaasho ee Facbook-gga yahay ayaa lagu dhawaaqay inaanay sii ahaan doonin bilaa lacag sida ay haatan yihiin.

A view of Facebook's logo May 10, 2012 iNinka iska leh Barta Facebook-ga oo dadka somalida ahi ay si xawli ah u isticmaalaan Mark Zueckerberg, ayaa maalintii shalay shaaciyey inaanay shirkadiisu sii wadaynin Adeegyada lacag la’aanta ah ee ay Bulshadu ku xidhiidho.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in macmiisha adeegsata Facebook-gu ay si xowli ah u sii kordhayaan xilli waliba, kuwaas oo aan ka daalin  xubin ka noqoshada  shirkadiisa, isagoona sidookale  carrabaabay in iyana ay sii kordheyso xayeysiimaha kala duwan ee ay ka helaan suuqyada caalamka ee wax iibiya.

Mulkiilaha ayaa qeexay in kharashaadka kubaxaya shirkadoodu aanay ku filneyn dhaqaalaha hadda usoo xarooda,sidaas darteedna ay taasi keentay in khidmado yar oo lacag ah y ku xujeeyaan dadka doonaya inay isticmaalaan Mareegtoodan caan baxday.

Agaasimaha ayaa cabsi ballaadhan ka muujiyay in adeegga isticmaalka Facebook uu sii socon doono haddii aanay macmiisha bixinin lacagaha lagusoo rogay ee khidmada ah,maadaama sida uu sheegay aanay heysanin maalgelin ay ku sii wadi karaan howlaha shirkadda oo dhan.

“kadib fikir dheer oo waliba adag waqtina qaatay,ugu dambeyntii maanta waxaan ku qasbanaanay inaan soo rogno kiro bileedkan ku aadan isticmaalka Facebook,haddii aanan go,aankan qaadanin hawada ayey ka bixi doontaa mareegtan mustaqbalka dhaw “ sidaas waxaa yidhi Mark Zuckerberg.

Agaasime Zuckerberg ayaa sidookale sheegay in tirada dadka u diiwaan geshan ee isticmaala Facebook ay yiihiin 1.317 adeegsadayaal,kuwaas oo isugu jira shakhsiyaad, shirkado ururo iyo waxii la mid ah.

“ %75 (toddobaatan iyo shan boqolkiiba) dadka isticaamala facebook ayaa bilaabi doona inay bixiyaan lacagaha xubinnimada ah,taas oo bil kasta qiimaheedu yahay$2.99, markaas kadib waxaan heli doonaa sanadkiiba faa´ido gaadheysa $ 3billion(saddax bilyan oo dollar) “Milkiilaha ayaa yidhi.

Sidoo kale Paul Horner oo ah afhayeenka Facebook, ayaa isna sheegay inay jiri doonaan qaabab kale oo lagu bad-baadin doono dadka aan awoodin bixinta lacagaha ay dul dhigeen, si aanay u luminin macaamiil badan oo dhibaato ay kasoo gaadhi karto fikraddan cusub ee lacag soo rogidda ah.

 

“Inkastoo fikraddan iyo qorshahan cusub ee lacag bixinta ah ay bilaaban doonto 1-da bisha Novermber ee soo aadan,haddana ma rabno in dad badan ay lumiyaan xubinnimadooda,maxaa yeelay ma awoodaan sidaas,oo ma bixin karaan lacag bileedka“ afhayeenka ayaa sidaas sheegay.

Su’aasha ugu badan ayaa ah sidee loo maareyn doonaa dadka aan bixin karin lacagaha xubinnimada Facebook,haddaba jawaabtu waa fududahay sida uu sheegay afhayeenka.

Dadka aan awoodin lacagta billaha ah ama  aanay macquulba u aheyn inay bixiyaan waxay qoraal soo dhigayaan Wall-ka Facebook ama goobta sida caadiga ah uu qof waliba kusoo qoro ra’yigiisa ee sida khaanadda u sameysan marka wax lagu qorayo,waxeyna soo dhiggayaan wall-ka farriin ah,Waxaan ahay faqiir ama miskiin dan yar ah,fadlan haleyga cafiyo lacag billeedka Facebook.

Madaxda Facebook wali ma sheegin halka ama Akoonka lacagta loogu diri doono,balse waxay u badantahay inay dib kasoo sheegi doonaan,lamana oga waxa iska badali kara go,aankooda, iyadoo durbaba dad badan ay qeylo dhaaan xooggan ka muujinayaan ,si aad ah ugu soo horjeesteen arrintan.

Waxaa sidookale xusid mudan sida ay adeegan lacag bixinta ah ay ugu suuro geli karto dad badan oo aan isticmaalin adeegyada Bangiyada.

SDN/QJ

timo@qureboog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed