|

Faarax oo ah Ninkii Dilay Agaasime Mursal oo Muuqaal uu kaga hadlayo Dilkaas & Dalabkiisa laga soo duubay DAAWO

Muqdisho 14. May 2017 (SDN/QJ):- Faarax Cali Nuur oo ah Ninkii gacantiisa ku dilay Agaasimihii guud ee Maxkamadda sare ee Federaalka Soomaaliya Mursal Cumar Cismaan oo ay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya gacanta ku hayso, ayaa sheegay in uu dilkaas isagu geystay dhawr habeen ka hor, iyaga oo ay ku wada sugnaa Guri ay wada degganaayeen oo Muqdisho ku yaalla.

Faarax ayaa codsaday in Qoyskii Mursal ka dhashay cafiyaan, maaddaama oo sida uu sheegay uu ahaa Walaalkiis oo kale oo ay Gasiin wada cuneen, Gurina ku wada noolaayeen, waxaanu intaas ku daray in Shaydaan ka adeegay dilkaas uu ku kacay ee godob ka dhaxaysay iyo cid u adeegsatay Mursal dilkiisa toona jirin.

 

Waxaannu Faarax Cali Nuur iyo Taliye Ciidammada Booliska ka tirsan oo is-garab-fadhiya kana hadlaya dilkan iyo hawlo Amni oo kale, idiinku soo gudbinaynaa Hadalkooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed