|

faa’iidooyinka laga helo cunista Rumaanka Waa Qallinkii: Deeqa Cali Saalax

RumaanRumaanka oo ka mid ah khudaarta ugu macaan ee midhaha leh waxa laga helaa nafaqo iyo awood aad u wanaagsan, waxaanaynu qormadeenan ku soo bandhigaynaa cilmi-baadhiso iyo tijaabooyin laga sameeyey  faa’iidooyinka rumaanka, taasoo aynu qaar ka mid ah ka soo qaadan doono si akhristayaashu uga faa’iidaystaan caafimaadka ku duugan rumaanka.

1.     Rumaanku waxa uu qofka ka dhiga mid jidhkiisu aanu gaboobin

Rumaanka waxa uu ka kooban yahay xaddi badan oo walxaha Antioxidantsah, haddii uu qofku shiido oo uu sharaab ahaan u cabana waxa uu jidhkiisa ka dhiga mid aad u da’ yar, isagoo maqaarka aad u qurxiya, dhalaal badana u yeela.

2.      Waxa uu difaac caafimaad u noqda kelyaha

Cilmi-baadhis cusub oo dhawaan la daabacay ayaa lagu shaaciyey in rumaanku uu kelyaha ka difaaco dhaawacyada iyo walxaha suntan ah ee ka dhalan kara inta kelidu ku jirto hawsha qashin saarka, gaar ahaan suntan ka samaysanta cuntooyinka la qashin saraayo amma dareeraha ay shaandhayso kalidu.

3.      Waxa uu ka shaqaysiiya, difaacna u yahay beerka

Cilmi-baadhiso tiro badan ayaa lagu iftiimiyey in rumaanku uu difaaco beerka, kana masuul noqdo in beerku shaqooyinkiisa si fiican u qabsado, kadib marka dhaawacu soo gaadho, isagoo siiya faytamiino iyo macdano beerku u baahan yahay.

4.      Waxa uu badiya amma awood siiya hab-dhiska difaaca qofka

Rumanka oo sidiisa lagu cuno amma la qasta waxa uu badiya hab-dhiska difaaca qofka, isagoo shakhsiga badsada uu ka helo faytamiin badan, gaar aha Vitamin C, kaasoo inta badan lagu yaqaan inuu nafaqo badan leeyahay, gaar ahaan xilliyada qabowgu dadku aad ugu baahdaan faytaminkaas.

5.      Waxa uu ka hor taga in qofku xasaasiyad yeesho

Rumaanku waxa ku badan walaxda la yidhaa Polyphenos, taasoo yaraysa hab-dhiska kiimkaad ee jidhka qofka ka dhex dhaca oo badana dhaliya in qofku xasaasiyad amma cun cun badan yeesho

Waa Qallinkii Deeqa Cali Saalax

Comments are closed