|

Faahin Faahin Cusub Oo Dawladda Kenya Ka Soo Saartay Kooxdii Westgate Weerartay

Nairobi:24-Nov-2013(SDN)-Waxa xukuumadda Kenya war Cusub ka soo Saartay mar kale weerarkii loo Geystay Xarunta ganacsiga westgate.

Warkan ayaa sheegaya in Afar  kamid ah dadkii weeraray dhismaha Westgate ayaa la sheegay in dalka Kenya ay kasoo galeen dhanka dalka Uganda, iyagoo aan soo raacin wax gaadhi ah oo lugeynaya.

 

westLaba kamid ah afartaasi waxaa lagu kala sheegay Maxamed CabdiNuur iyo Xasan Cabdi Dhuxulow, waxaana booliska ay xaqiijiyeen in Dhuxulow oo 28 sano jir ah uu ahaa ruux heysta dhalashada dalka Norwey.

 

Hayada Dambi baadhista ayaa u dirtay dowlada Uganda inay su’aalo weydiiso wade taxi kaasi oo la sheegay in afartaasi ruux uu kasoo qaaday garoonka diyaaradaha Kampala ee Entebbe airport islamarkaana uu keenay xuduuda dhanka Malaba, iyagoo kadib lugta ku galay dalka Kenya, sida CID-da Kenya ay sheegtay.

 

Booliska ayaa la sheegay inay ka hortagaan cadeymaha ku wajahan wadaha Taxi ee u sahlay dadkaasi inay soo galaan dalka Kenya.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in afarta ruux ee weeraray dhismaha Westgate inay ka tageen dalka Soomaaliya ayna ku galeen Kenya diyaarad deegaanka bishii June 22 ee sanadkan iyagoo diyaarada lagu joojiyay garoonka JKIA, iyadoo dadkaasi ay dileen 67 ruux oo ku sugnaa dhismaha Westgate.

 

Hayada amaanka ee booliska Uganda ayaa sheegtay Talaaladii lasoo dhaafay inay xaqiijinayaan in mid kamid ah dadkii weerarka ka geystay Kenya uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo Norwey ku sugnaan jiray.

 

Warkan haatan ay dawladda Kenya ku dhawaaqday ayaa halis Gelin kara Xidhiidha u dhexeeya labada Dawladood, maadaama ay Kenya aaminsan tahay  in Dadkii xasuuqa Geystay uga  soo Dooleen Dalkan ay Jaarka yihiin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed