Faahfaahinta Wararkii ugu dambeeyey Ee Weerarkii Maka Al-mukarama, Tirada Dhimashada Iyo Dagaalkii Oo Wali Socda
Muqdisho:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey laga helayo Weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadday Hutel Maka Al-mukarama, ayaa sheegaya in tirada dhimashadu sii korodhay, isla-markaana ay wali kooxihii halkaas galay wadaan Weerarkii ay qaadeen.
Wariyayaasha xogaha arrintaas la xidhiidha sida weyn u baadi doonay, ayaa sheegaya in ugu 20-ruux geeriyoodeen, dad intaas ka bandanna ay dhaawacmeen, dadka dhintayna waxa ku jira saraakiil Xukuumadda katirsan, ilaaladii Hutelka iyo shacab waddada marayey.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Labada dhinacba Hutelka ay ku wada sugan yihiin, Hawlgalkaasina aan wali lagu guulaysan in lasoo afjaro.
Saraakiisha Dawladdu waxa ay sheegeen in saacado kadib ay Hawlgalkaas soo afjari doonaan, inkastoo rasaas badani meesha ka baxasyo, taas oo muujinaysa in kooxihii weerarka qaaday ay meeshaas ku sugan yihiin.
Afhayeenka Ciidanka Booliska, ayaa sheegay in ugu yaraan uu Midkamid ah Kooxdii weerarkaas qaadday uu ku sugan yahay hutelka
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com