Faahfaahinta Qarax Lala Eegtay Masuul Katirsan Degmada Galkacyo Ee Maamulka Puntland
Galkacyo:April,07,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Maamulka Puntland u qaabilsan Degmada Galkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa ka Badbaaday Qarax Miinada dhulka lagu aaso ah oo loo dhigay.
Qaraxan ayaa la sheegayaa inaanu Guddoomiyuhu waxba ku noqonin, waxana uu dhacay daqiiqado kadib markii Guddoomiyuhu Meesha ka Gudbay, iyadoo Miiinadaasi ahayd Midda Remote Conrtrol-ka ee meelaha fog laga hago.
Axmed Muuse Nuure gudoomiye ku xigeenka Labaad Gobalka Mudug ee maamulka Puntland, oo lala eegtay qaraxa ma jiro wax qasaare ah oo soo gaaadhay, waxana la sheegayaa in isaga iyo istaafkiisuba haatan fayo qabaan.
Hase ahaatee tirro dad shacab ah oo lagu qiyaasay ilaa lix ruux ayaa lagu soo waramayaa in dhawacyo qaarkood halis ah ay soo gaadheen, waxana Haatan lagu dabiibayaa Goobo isbitaallo ah.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaadhay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland, waxaana xaaladda ay tahay mid degan iyadoo lagu soo waramayo in hadda ay socdaan baadhitaano.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com