Faahfaahino Dheeraad ah Oo Laga Bixiyey Dacwadaha Ururka FIFA Loo Haysto
Washington:June,04,2015(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa soo saaray Faahfaahinno dheeri ah oo la xidhiidha Dacwadda ka dhanka ah Ururweynaha FIFA oo loo Haysto musuqmaasuq iyo wax is daba marin laxaad leh.
Waaxda dalka Maraykanka u qaabislan Caddaaladda, ayaa daaha ka faydday in wax badan oo musuq iyo xatooyo lacageed ah laga helay xogo ay bixiyeen Madaxda haatan Gacanta FBI-da ku jirtaa.
Waxa ay daabacday qoraal 40 bog ka kooban oo ay ka mid yihiin markhaatiyaasha – waxaana ka muuqday in madixii hore ee fulinta ee FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka uu lagu eedeynaayo 10 dembi oo ka mid ah lacag isdabamarin, lacago six un lagu kasbado, iyo canshuur kacararid.
Waxaa qoraalkan sidoo kale ku cad inuu sheegay ninkan in isaga iyo madaxda kale ay laaluush qaateen intuu socday loolankii ay South Afrika ku soo baxday ee marti gelinta ciyaarihii 2010kii.
Faafaahinta ayaa soo baxeysa maalin kaddib markii madaxweynihii xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA Sepp Blatter uu ku dhawaaqay inuu is casilaayo.
Laakiin xog hayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa tilmaamay inuu dembi aanu galin, isla-markaana aanu ku lug lahayn qaadashada in kabadan 10 milyan oo dollar oo la sheegayo inay lunsadeen xubnaha FIFA, taas oo ah midda ay mareykanka Baadhayaan.
Mr Valcke ayaa u sheegay Info Radio ee dalka faransiiska, aanu marna ka qeybgalin musuqmaasuqa oo aanay u muuqan sabab uu isku casilo,
“Ugu horeyn, majirto sabab aan u dhaho, masii ahaanaayo xoghayaha guud, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay”, ayuu yidhi Mr Valcke.
Waxa uu sidoo kale qiray, “masuuliyad igama saarno, mana jiraan wax aan isku eedeeyo, mana dareemaayo inaan dembi galay, mana u qiildeyaayo sida aan eedlaawe u ahay”.
Dacwad oogayaasha Mareykanka waxa ay tilmaamayaan inay baadhayaan isku xidhnaanta arrintan, iyagoo ka shakiyaya in laaluush la bixiyay xilligii ay socotay codeyntii ciyaarihii 2010kii ee South Afrika ay qabatay.
FIFA waxa ay sheegeysaa in lacagtaasi ay South Afrika ku caawisay ciyaaraha Caribbeanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com