|

Hirdankii KULMIYE Oo Xukuumaddii Ka Dhigay Tusbax Furtay Iyo Tirrada Wasiirrada Is Casilay oo Gaadhay 12 Mas’uul

Hargeysa,26Oct,2015(QJ/SDN)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is casilaada masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland, Wararka ilaa hada isa soo taraya ayaa sheegaya inay jiraan masuuliyin kale oo hada ku dhawaaqay inay  iska casileen xilkii ay hayeen.

Wasiirada  iyo wasiir u xigeenkada ilaa haatan ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay hayeen ayaa waxa kale oo ku jira wasiirka wasaarada hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaas oo iyaguna warbaahinta ka xaqiijiyey inay iska casileen xilkii ay dawlada ka hayeen.

1.Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan

2.Wasiirki Cadaalada  Xuseen Axmed

3.Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis

4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir

5. wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed

6.Afhayeenki Madaxtooyada Dhuxul.

7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman

8. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta nimco xuseen qawdhan.

9. wasiir ku xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir.

10.Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq

11.Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Deegaanka

12 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintaasi kala soco Qurbejoog.Com

 

 

Comments are closed