Faahfaahin Ku Saabsan Tiro-koobka Mugdigu Ku Jiro Ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranku Ka Waddo Somaliland
Hargeysa:2-Nov-2013(SDN)-Sida Ku Cad Xogo Rasmi ah Oo Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ee ku saabsan Tiro-koobka ay wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland ka waddo waddanka, waxa Arrintani ay ka Hor imanaysaa Guud ahaanba Tallaabadii ay Shacabka Reer Somaliland ku Go’aansadeen inay ka Go’aan Somaliya Inteeda kale.
Sida Ku Qoran Dokuments-ka aanu helnay ee Arrinkan ku Saabsan, waxa Tiro-koobkan loo soo gaabiyey oo uu caan ku yahay PESS (population estimation survey in Somalia ), mana jirto meel ay kaga qoran tahay wax Somaliland la yidhaahdaa, lagumana hayo wax astaan ah oo ka mid ah Astaamaha Qaranka iyo midda Wasaaradda midna.
Sida ku Cad Website-ka Gaarka ah ee Hay’adda mashruucan Badhitaaraysa ee UNFPA, waxa Mashruucani uu ku salaysan yahay wixii la isku Odhan jirey 18-kii Gobol ee Somaliya ka Hor 1991-kii, waxana la isku qaadayaa Gobollo iyo Degmooyin aan Haatan wax shaqo ah isku lahayn oo kala laba Waddan mar hore kala noqday.
Macluumaadka ku saabsan Tiro-koobkan ee Hay’addan Website-keeda ku jira, ayaa waxa ka mid ahaa, “Waxay ahayd june 2012-kii markay hay’adda UNFPA hoggaanka u qabatay isku duba ridka qabashada tiro koob ka qabsooma dhammaan dhul weynihii la isku odhan jiray soomaaliya. Hawshan waxa kolka hore codsigeeda lahaa QARAMADA MIDOOBAY, gaar ahaan qaybta loo yaqaano United Nations Country Team (UNCT)”.
Macluumaadka Muhiimka ah ee Arrintan ku saabsan ayaa lagu xusay in
Maadaama tiro koob wax ku Ool ahi u baahan yahay hay’ado Sees adag, badhi taar maaliyadeed iyo mid farsamaba, taas oo aan waqti xaadirkan la hayn, isla markaana aanay nabadi ka jirin gobolada badhtamaha iyo koonfurta soomaaliya, ay Khasab Noqotay in Haatan la sameeyo sahamin iyo qiyaas lagu helayo dhammaan xogta dadka, gaar ahaan Kuwa Deggen Puntland iyo Somaliland.
Tiro-koobkan oo lacagta ku baxaysaa dhan tahay $6.9 milyan , waxa qaadhaankiisa bixiyey laamaha qaramada midoobay, DFID,EU,DANIDA,SIDA iyo Baanka horumarinta afrika, Sahamintani waxay ku salaysan tahay 18-kii gobol ee soomaaliya ka koobnayd ka hor burburkii 1991-kii.
Tiro-koobkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu horreeyey ee soomaaliya ka qabsooma tan iyo 1975-kii.
Wasaarada qorshaynta ayaa hoosta ku soo qaadatay arrin soomaali weynimo ah iyadoo dadkeeda ka qarinaysa Ajendaha ka dambeeya tallaabadan ay qaaday ee qusaysay tiro koobkan soomaaliya loogu tala galay, Waxana ay Masuuliyiiinta wasaaraddu si khafiif ah u carrabaabeen in Ujeeddadu tahay in male-awaal lagu sameeyo Tirada Dadka Ku Nool Somaliland si loo loo Fududeeyo Helitaanka Qiyaas sugan oo Baahiyaha Aasaasiga ah ee Shacabka La xidhiidha.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com