Faah-faahinta Qarax Goor Dhaweyd Muqdisho Ka Dhacay Iyo Magacyada Masuuliyiin Ku Naf Waayey
Muqdisho:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Qaraxyo isdaba joog ahaa oo maanta lagu qaaday Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa kasoo baxaya faahfaahin dheeraad oo la xidhiidha cidda waxyeelladu kasoo gaadhay.
Sida wararku sheegayaan dadka dhintay ayaa tiradoodu gaadhaysaa ilaa iyo 12-qor, waxana ku jira Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dad kale oo kamid ahaa ciidanka ammaanka ee Halkaas ku sugnaa.
Xildhibaan Cali Cumar Nuur (Cali Furtug) iyo guddoomiye ku xigeenkii dhinac siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel), ayaa la xaqiijiyey inay labaduba halkaas ku geeriyoodeen, waxana isasoo taraya tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Weerarradan ayaa mas’uuliyaddiisa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay la beegsatay qaraxyadan is-miidaaminta ahaa hoteel ay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ku shirsanaayeen.
“Qaraxyadaas waxaa fuliyay ciidamadeenna, waxaana la beegsaday saraakiil ku shirsanaa hoteelka, tiro badan oo xubnaha dowladda Somalia ah ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen,” ayay Al-shabaab hadalkeeda ku sheegtay.
Sidoo kale, dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan inay sidoo kale ku dhaawacmeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ku sugan goobta ayaa sheegay in laba qarax oo is-xig-xigay ay ka dhaceen hoteelka, xilligaas oo ay dad badan ku joogeen, iyadoo isla markiiba ay isku gadaameen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe.
SDN/QJ