Faah Faahin Madaxweynaha Mareykanka oo wax ka badalay Sharcigii 7 waddan Muslim ah looga mamnuucay Mareykanka DAAWO
Washington 08. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa isbadal ku sameeyey go’aankii uu 7 wadan oo Muslim ah kaga mamnuucay dalkaas Mareykanka asagoona ku soo koobay wadamadaas ilaa iyo 6 wadan ka dib markii uu liiskaas ka saarey dalkaas Ciraaq oo asagu ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono hadii aan laga saarin liiska Muwaadiniintooda looga mamnuucay dalkaas Mareykanka.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Tump oo horey ugu fashilmay inuu 7 wadan oo muslim ah uu ka mamnuuco dalkaas Mareykanka ka dib markii Maxkamada dalkaas ay diiday go’aankaas ayaa mar labaad waxaa uu soo saarey wareegto kale oo uu doonaayo inuu mar kale ku meel mariyo go’aankiisii hore asagoona markaan wax ka soo badalay go’aanadiisii, gaar ahaana asagoo markaan ka soo reebay mamnuucidaas dalka Mareykanka dadka soo jeedo dalkaas Ciraaq taas oo ka dhigan in hada dalkaas Mareykanka laga mamnuucay dadka ka soo jeedo ilaa iyo 6 wadan oo muslim ah kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Iiraan, Yemen, Sudan, Liibiya iyo Siiriya, Sidoo kale ayaa go’aankaan Cusub waxaa gebi ahaanba uu meesha ka saarey ogolaanshihii ahaa in dadka Kirishtaanka ah ee ka mid ah wadamadaas ay mar walba imaan karaan dalkaas Mareykanka.