Faah Faahin ku Saabsan wiil Soomaali ah oo lagu Eedeeyey inuu ku Lug Leeyahay arimo la Xiriiro Argagaxisada Caalamiga!! DAAWO
Costa Rica 01. April 2017 (SDN/QJ):- Booliiska dalka Costa Rica ayaa waxaa la sheegay inay Xabsiga dhigeen wiil Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu ku lug leeyahay arimo la xiriiro argagaxisada Caalamiga ayadoona ay booliisku su’aalo weydiinayaan wiilkaas Soomaaliga ah.
Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Ibraahim Qoordheen oo 25 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtey caasimada dalkaas Costa Rica ee lagu magacaabo San José ka dib markii uu dalkaas ka soo galay dalka ay xadka wadagaan dalkaas ee Panama, Wiilkaan ayaa dalkaas ka soo galay magaalada Paso Canoas oo 358 km u jirta caasimada dalkaas islamarkaana kaga beegan dhanka koonfureed, Wiilkaan oo lagu qabtey sida ay wararku qaar sheegayaan macluumaaad uu soo gudbiyey dalkaas Mareykanka ayaan wali ogeyn wax dhab ahaan lagu heysto.
Ugu dambeyntiina iyadoo Wiilkaas Soomaaliyeed uu hada ku jiro gacanta ciidanka Booliiska dalkaas Costa Rica oo ay su’aalana weydiinayaan ayaa sida uu sheegay Wasiirka Amniga ee dalkaas Costa Rica in Wiilkaas Soomaaliga ah ay ka soo dhex qabteen qaxooti kor u dhaafaayo ilaa iyo 20.000 oo qofood ka dib markii ay soo gaareen wararka la xiriiro inuu la shaqeeyo Argagaxisada Caalamiga, Sirdoonka dalkaas Mareykanka oo ayagu gaarey caasimada dalkaas Costa Rica ayaa la filayaa in loo gacan galiyo wiilkaas Soomaaliga ah si ay su’aalo u weydiiyeen.