Faah-Faahin Ka Soo Baxaysa Weerar Bam Oo Lagu Qaaday Guddoomiyha Degmada Waaberi
Muqdisho March 14 2013 (SDN)— Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday hooyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Mayre Makaraan.
Weerarka oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday Guddoomiyaha Degmada Waaberi gurigiisa iyadoo khasaaro dhaawac uu ka dhashay.
Axmed Mayre Makaraan oo warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyay in gurigiisa bamka lagu tuuray hayeeshe dad isaga jaar la’ah ay khasaaro dhaawacyo ah kasoo gaartay bamkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Waaberi ayaa sheegay in mid kamid ah ragii bamka tuuray ciidamada ilaalidiisa ah ay gacanta kusoo dhigeen iminkana gacanta ay ku hayaan laamaha ammaankana ay ku wareejinayaan.
Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahan dambe sii xumaanaya iyadoo dilal qorsheysan ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho,xilli shalay afar ruux meydkooda lasoo dhigay xaafada gubta ee Degmada Dayniile.
SDN-Muqdisho