Faah Faahin dheeraad ah oo Tilmaamaysa Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Villa Somalia
Muqdisho 21.Feb 2014 (SDN)- Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan xubno sare oo DF Somalia ka tirsan ayaa lagu dilay Weerar isugu jiray Qaraxyo iyo toos ah oo Xoogag Al-shabaab ka tirsan ay Maanta ku qaadeen Villa Somalia.
Weerarkan oo ahaa mid Qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay Nuur Shirbow oo ahaa Taliye ku xigeenka Nabadsugida DF iyo Agaasimihii Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DF Maxamuud Xirsi Indha-case, kuwaasoo ka mid ahaa xubno ku tukanayay Salaadii Jimcaha Masjid ku yaala Gudaha Madaxtooyada.
Kooxaha Weerarka qaaday oo xirnaa direyska Ciidamada Sirdoonka DF ayaa gudaha u galay xarumaha Madaxtooyada iyagoo Muddo haystay Masjidka ku yaala Xaruntaas, iyagoo Isqarxiyay.
Sidoo kale Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 25-qof oo isugu jiray Ciidamo, mas’uuliyiin, Wariyeyaal iyo Shacabka, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada markii xiisadu dagtay.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarka iyagoo sheegay in Ciidamadooda Komaandoska ay fuliyeen weerarkaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu tuso Caalamka in Villa Somalia aysan Amaan ka ahayn in la weeraro.
“Ciidamo gaar ah oo Al-shabaab ka tirsan ayaa weerarka fuliyay waxayna u galeen gudaha Villa Somalia oo ah meesha ay ku sugan yihiin cadowgeena, waxayna dileen mas’uuliyiin badan” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu Magacaabo Sh. C/casiis Abu-Muscab.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo Madaxtooyada DF lagu qaado, xili ay Mas’uuliyiinta DF ku goodinayaan inay Al-shabaab ka saari doonaan Deegaanada ay kaga sugan tahay Koonfurta Somalia.
Wasiirka Amniga DF C/kariin Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dileen weerarka kooxihii weerarka soo qaaday qaarkood qaar kalena ay ku hayaan gacanta, laakiin ma sheegin tirada la dilay iyo tirada la qabtay.
Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud ayaa la sheegay inuu badqabo oo aysan jirin wax gaaray, wuxuuna ku sugan tahay Villa Somalia inkastoo ay xalaadu hada tahay mid dagan.
Dableydii weerarka ku qaaday Villa Somalia ayaa maydadkooda lagu soo bandhigay Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo qaraxyo ah ay ku yaaleen jirkooda.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com