Ey Wax Baadhaysa Oo Muqdisho Lagu Soo Daabulay iyo Shacabka Oo Si Weyn Uga Horyimi
Muqdisho:June,05,2014(SDN/QJ)-Shacabka Magaalada Muqdihsho ayaa Toddobaadkan si weyn u Hadal Hayo Tallaabo ay xukuumaddu sheegtay inay Ammaanka ku Adkaynaysao oo ay ku keentay Raxan Ey ah oo Baadhitaano samaynaya.
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Maxamed Xasan Xaamud oo arrintan ka Hadlayey ayaa tilmaamay ujeeddadu tahay sidii ammaanka loo sugi lahaa, loogana hortagi lahaa wax kasta oo ammaanka khalhakal gelin kara.
Dadka Shacabka ah ayaa iyagu arrintan ka Biyo Diiday, waxana ay ku Tilmaameen mid dhaawac laxaad leh u hayeen Dawladda ee dhinaca Ammaanka, waxana ay si weyn uga Cabanayaan Eyda oo ay u arkaan wax xaaraan ah oo aanay Haboonayn inay Baadhitaano sameeyaan.
Ma aha kaliya inay shacabku diidayaan xaaraantinimada Eyda, balse waxa jira Dad sheegaya in arrintani ay dedejin karto hawlgallada Shabaabka, maadaama ay adeegsan karaan Inay dadka u sheegaan inay dawladdu wadato Eyda oo oo inta badan dunida muslimka aan si weyn looga Tigelinin.
Baadhitaanada Eyda ayaa markii hore ku ekayd oo kaliya Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde, balse Haatan waxa la geyn doonaan Dhammaan Goobaha Muhiimka ah ee Loo Baahan yahay in Amnigooda la sugo, balse Arrintani uma Cuntamin shacabka, kumana ay farxin in Alaabtooda iyo jidhkooda ay baadhaan Eyda oo islaamnimada aanay sidaas u ogolayn.
SDN/QJ