Ex-Xildhibaan Yuusuf Guuleed Oo Tacsi U Diray Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal Oo Ku Geeriyooday Magaalada Makka
Hargeysa,22sep,2015(QJ/SDN)-Ex-xildhibaan Yuusuf Guuleed Oo Ka tirsanaa Golihii Hore Ee Degaanka magaalada Hargeysa ayaa tacsi u diray Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal Oo Saaka ku geeriyooday magaalada Makka-Al-mukarrama.
XIldhibaanku waxa uu tacsi u diray, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ahaa tiir ka mida tiirarka dhaqanka ee uu qarankani ku faani jiray, maanta oo ay taariikhdu tahayna 22/09/2015 ku geeriyooday Magaalada barakaysan ee Makka.
Xildhibaanku waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhexleh taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo qayb-qaatay nabadayntii beelaha Somaliland.
Sidoo kale waxa uu Xildhibaanku tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Waxaana uu xildhibaanku marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN