Ethopia: Oromada Oo Todobaadkii Saddexaad Mudaharaadaysa iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Addis-ababa,19Dec,2015(QJ/SDN)-Mudaharaado aan hore loo arag ayaa todobaadkii saddexaad ka socda dalka Ethiopia gaar ahaana qaybaha qoomiyadda Oromadu degto. Dawladda ayaa xaqiijisay in todobaadkan ilaa 5 qof ku dhinteen dibadbaxyada, balse mucaaradka ayaa sheegaya in ilaa 60 ciidamada dawladdu dileen.
Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda magaalada caasimada ee Addis Ababa oo ku fidaysa degaannada gobolka Oromada, iyagoo cabsi ka qaba in dhulkooda laga qaado.ardayda, beeralayda iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa ka qayb qaadanaya mudaharaadka oo ku fiday degaannada gobolka Oromada.
Dawladda Ethiopia ayaa ku eedaysay mudaharaadka mid ay dabada ka riixayaan dad doonaya inay wadanka curyaamiyaan. Waxay ku eedaysay mucaaradka inay agaasimayaan mudaharaadka lagaga soo horjeedo qorshaha lagu balaadhinayo dhulka caasimadu xukunto.
Qof ka mid ah dadka degaannada Oromada oo VOA soo xigatay isagoo arrimo ammaan magaciisa u qariyay ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah lagu soo daabilay gobolkooda “Ciidamo badan oo lagu soo daad-gureeyay gobolka ayaa xakamaynaya dad badan oo ku biiri lahaa dhaqdhaqaaqa dibadbaxa,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay “Dadka ugu badan dibadbaxayaashu waa beeralayda. Waxay ka yimaadeen miyiga iyo xaafaddaha magaalada, waxaanu boolisku xidhay dad ka mid ah ka qayb qaateyaasha dibadbaxa,” ayuu yidhi qofkaasi magaciisa qariyay.
Ethiopia ayaan looga baran mudaharaadka noocan ah, waxaanu xukunka hayay xisbiga talada hayaa tan iyo sanadkii 1991, isagoo dhammaan kuraasta baarlamaanka ku guulaystay doorashooyinkii qaran ee bishii May.
Sanadkii hore ayay mudaharaado sababtay caasimada ku soo durkaysa Oromada oo ka cabsi qaba in laga qaado dhulkooda iyadoon wax magdhaw ah laga siin.