|

Ethiopian Airlines oo heshay Abaalmarinta CAPA Airline 2015

Addis ababa 11.Oct 2015 (SDN/QJ)-Shirkada diyaaradaha ee Wadanka Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa  goor dambe oo jimcihii doraad ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay abaalmarinta sanadlaha ah ee CAPA Aviation oo ah mid ka mid ah abaalmarinada ugu wanaagsan ee dhanka duulimaadada ee la bixiyo .

 

ethoBixinta abaalmarintan oo munaasabad loogu qabtay Magaalada helisink ee Dalka Finland dhamaadkii Todobaadka ayaa qayb ka ahayd shirweynaha caalamiga ah ee duulimaadada ee ka socda Magaaladaasi.

 

Abaalmarintan ayaa loogu magic daray xarunta bixisa ee Centre for Asia Pacific Aviation oo ah xarun ururisa xogaha iyo macluumaadka dhinacyada ammaanka iyo sirdoonka ee  suuqyada duulimaadada caalamiga ah, isla markaana ururisa xogaha iyo adeegyada horseedi kara Horumar guud oo laga sameeyo duulimaadada.

 

Gudiga u codeeyey in abaalmarintan ay hesho Ethiopian Airlines waxay ku doorteen awooda iyo dadaalka ay ka samaysay inay guud ahaan afrika ka wada shaqayso, isla markaana daah qaado suuqyada sida degdega ah u soo kobcaya, iyadoo  shirkadu ahayd ta ugu weyn ee qorshaheedu hirgelay sanadkan gudihiisa, qorshahaas oo ahmiyad siiyey horumarinta farsamada diyaaradaha, ahna shirkad u muuqata inay hormuud u tahay Qaaradda Afrika

 

Tewolde GebreMariam,  oo ka tirsan Group CEO of Ethiopian Airlines,ayaa cabiray dareenkiisa markii uu gudoomay abaalmarinta waxana uu yidhi sidan: ‘guushani waamid ay dalka u soo hooyeen shaqaalaha sagaalka kun gaadhaya ee shirkadan u shaqeeya kuwaasoo habeen iyo maalinba u soo jeeday sidii ay Shirkadayada uga dhigi lahaayeen ta koobaad ee ugu degdega badan uguna koboc badan, waxana ay calaamad u tahay sida ay nooga go’an tahay in aanu xaqiijino himiladayada aanu tiigsanayno ee qorshaha 2025.’

 

 

 

 

Comments are closed