|

Ethiopia waxay leedahay record xun ku aadan xuquuqda bini Adamka- Waa maxay sababta wali reer galbeedku ay indhaha isaga tirayaan?

Ethiopia waxay leedahay record xun ku aadan xuquuqda bini Adamka- Waa maxay sababta wali reer galbeedku ay indhaha isaga tirayaan?

Qaar waa la waayay, qaar kale na waxaa lagu xukumay xabsi muda dheer ah.Hal shay oo ay kawada sinaayeen dhamaan ragii 30 ka ahaa oo la xiray 2012 Ethiopia gudaheed wuxuu ahaa inay dhaleeceeyeen dawlada iyo siyaasadii Raisul wasaarahii hore, Males Zenawi.
Waliba asbuucii hore Raisul wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo koox ganacsato reer Japan ah waxay la kulmeen Raisul wasaaraha xilka haya hada ee Ethiopia, Hailemariam Desalegn si ay uga wada hadlaan caawimaad dheeraad ah oo la siiyo Ethiopia heer Dawladeed iyo heer aan dawli ahayn.
Raisul wasaarihii hore Males Zenawi wuxuu ahaa mid aad u taageersan siyaasada Maraykan ka ee ka hortaga Argagaxisada, iyadoo isla markaas uu dusha ka eegayay wadan carqalad xun oo dhanka xuquuqda Bini’ Adamka ah. Indhaha USA ee ku aadan Ethiopia, waxay ku taal meel istiraatiiji ah. Waxay ku taal geeska Africa, waxay ku dhagantahay Somalia, waqooyiga Kenya iyo Sudan, waxay u dhaqantaa inay tahay xad u dhexeeya xagjiriinta Islamka Somalia oo koraya iyo reer Galbeedka. Sidaa daraadeed, xuquuqda Bini’ Adamka ee uu ku xadgudbay Zenawi waa la inkiray.
Mid ka mid ah heshiis yadii ugu horeeyay ee UN sanadii 1948, Ethiopia waxay la tahay gaashaanbuur reer Galbeedka: 11 percent oo ka mid ah dhaqaalada wadanka (GDP) wuxuu ka yimaadaa caawimaad dibada ah. Maraykanku wuu ka midyahay midka ugu wayn ee deeqaha siiya Ethiopia. Waxaa lagu qiyaasay in Maraykanku siiyay $3.3 Bilyan sanadii 2008 kaliya. Labada wadanba waxay ka faa’iidaysteen xiriirkooda sokeeye: Waxaa jira xan ah in Maraykanku ku leeyahay Ethopia “black sites” ama meelo qarsoon oo dadka lagu jirdilo; waxaa lagu salaynayaa CIA oo waraysiyo la yeelatay maxaabiis aan la magaacin intii lagu jiray “Dagaalkii argagaxisada”.

Lakin Melez Zenawi wuxuu dhintay 2012. Lama helin fursad dawlad Liberal ah. Zenawi waxaa badalay Hailemariam Desalegn, oo lagu tilmaamo inuu yahay “Zenawi kale” isagoo wadanka ku hagaya “auto-pilot”. Desalegn wuxuu raacayaa habkii siyaasadeed ee Meles- ma uusan badalin hal xildhibaan oo barlamaanka ah.
Waxay u muuqataa xiligii dooda iyo wada halku inuu iska soo yaraanayo. Eedamaha ayaa ku dooda in Ethiopia ay noqonayso “hal xisbi” iyadoo ay jiraan xisbiyo lakin hal xisbi ayaa mar kasta guulaysanaya. Meles wuxuu la hadlay warbaahinta dibada sanadkii 2005 wuxuuna difaacay guushiisa 97 percent ee doorashadii. “ Demoqraadiyada xisbiga leh hanaan wanaagsan ayaa ku nagaada awooda ama xukunka”. Sanadahii laga bilaabo 2005 waxaa isa soo tarayay daganaansho la’aan u dhexaysa dadyowga Ethiopia iyo eedaymo loo soo jeedinayo xisbiga talada haya. Human Rights Watch waxay sheegtay in Ethiopia “ay wado inay aad u xakamayso xoriyada isu socodka iyo qeexida ama cadaynta hadalka”. Waxay intaas ku dartay “30 suxufi iyo xubno mucaarad ah in la xukumay iyadoo la adeegsanayo sharciga aan cadayn ee ka hortaga argagaxisada”.

Maalin ka hor maalinta xoriyada saxaafada aduunka oo ku began 2nd May 2013, dawlada Ethiopia waxay ku xukuntay in lagu hayo xabsiga mid ka mid ah dadka aad loo yaqaan oo ah maxbuus, Eskinder Nega. Waxaa loo xiray wariyanimo isagoo eedeeyay dawlada, isagoo ku taagan caqiidadiisa iyo cadaynta xoriyada hadalka aasaasiga ah, wuxuu helay 18 sano oo jail ah.
Raisul wasaare Hailemariam Desalegn wuu inkiray sii dayntiisa. Maraykanka iyo Ingiriiska waxay qabteen wax yar inay wajahaan gaashaanbuur tooda, aad baan uga murugaysanahay ma waxay damacsanyihiin inay abuuraan cadow kale gudaha Geeska Africa. Maraykanka iyo Ingiriiska waxay ku guul daraysteen inay wajahaan gaashaanbuurtooda taas oo ah heerka xuquuda Adana. Ethiopia waxay ku fooridaa dariiqeeda ah inay iska indha tirto qodobka ku aadan UN convention xuquuqda aadanaha, iyadoo inkiraysa xuquuqda xubnaha mucaaradka ah iyo inay helaan maxkamad cadaalad ah iyadoo cadaadinaysa dadka si aysan isugu dayin inay u baahiyaan fikirkooda si nabad ku jirto.

Siyaasada Ethiopia ee cadaadiska ah waa ka sii daraysaa. Waxaa jiray burburin soo laa laabata oo ku aaday Muslimka laga tirada badanyahay ee wadanka. Waxaa ka mid ah xarig aan loo aabe yeelin oo lagula kaco Muslimiinta markii ay dalbadaan si nabad ku jirto xoriyad ay wax ku caabudaan, sidoo kale waxaa eed u jeediyay xukuumada. Mehari Taddele Maru, oo ah madaxa ka hortaga carqaladaha Barnaamijka Africa ee machadka barasha amaanka wuxuu sheegay in “ hadii aan si sharci ah loo wajaahin baroordiiq yada waxaa dhici karta qatar ah in xagjiryaasho dhib u saaxiib ah inay u isticmaalan baroordiiqdaas danahooda gaarka ah”.

Aduunka wuxuu soo kacayaa iyadoo ay sii kordhayso heer ka xuquuqda Bini’ Adamka ee Ethiopia iyadoo walina Maraykanka uusan joojin deeqdii uu siinayay Ethiopia ama uusan u digin wadanka isagoo adeegsanaya cunaqabteen. Japan waxay wali isku dayaysaa inay la yeelato xiriir ganacsi Ethiopia meeshii laga rabay inay masuuliyad ku saaran Ethiopia falalkeeda.
Iyadoo ah xubin ka mid ah UN ta iyo gaashaanbuurta reer Galbeedka, Ethiopia waa in loo qabtaa falalka danbiga ah ee ay geesatay. Hadii reer Galbeedka aysan waajahin ama la xisaabtamin Ethiopia aysana dalban in la sii daayo maxaabiista xiran iyagoon helin maxkamad cadaalad ah, hadii kale dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha la xisaabtankeeda mugdi baa gali doona; sida ku qeexan Human Right ka dastuurkeeda fiiri in badan oo ah dhibaato loo gaysto xuquuqda Bini’ Adamka aduunka oo dhan iyadoo noqon doonta mid lagu quslo.

By Abdihafid Mahamud Jama
Twitter @ABDIHAFIDUNITV
London UK

Comments are closed