|

ETHIOPIA: Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo Xabsiga La Sii Daayay

wariye mukhtaar

Jigjiga,15,7,2016 (QJ/SDN) – Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ku dhawaad muddo bil ah u xidhnaa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa la sheegay in lasii daayay maalinkii shalay, sida lagu daabacay shabakadda wararka ee maamulkaasi [Cakaaranews].

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah wefti wasiiro ah oo ku sugan magaalada jigjiga ee xarunta maamulka DDSI ayaa sheegay in lagu sharfay sii daynta wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan muuqbaahiyaha Horn Cable, sida lagu baahiyay shabakadda Cakaaranews.

Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa gacanta Maamulka DDSI galay dabayaaqadii bishii hore iyagoo ciidanka maamulkaasi ay ka qabteen magaalo xuduudeeda Tog-wajaale.

Dhanka kale, magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI waxa ku sugan wefti wasiiro ah oo ka socda dowladda Somaliland kuwaasi oo la kulmay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo la sheegay in ay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahayd xadhiga wariyaha.

Weftigan wasiirada ah ee ka socda Somaliland ayaa waxa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.

Si kastaba ha ahaatee, xadhiga wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim ee dowladda itoobiya ayaa waxa uu ka danbeeyay kaddib markii TV-ga Horn Cable oo uu wariyuhu ka tirsanaa laga sii daayay barnaamijyo iyo warar ku saabsan xasuuqii deegaanka jaamac-dubad ee Gaashaamo.

Comments are closed