|

Ethiopia Oo Xorriyadoodii u Celisay Saraakiil ONLF Kamid ahaa Oo Muddo Xabsiyadeeda Ku Jirey

Addis Ababa:June,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ethiopia, ayaa la xaqiijiyey inay Xabsiyadeeda kasii daysay Laba sarkaal oo katirsanaa Kooxda ONLF, kuwaas oo muddo ku jirey Xabsiyo dalkaasi ku yaallay.

fareecrMagacyada Saraakiishan ayaa kala ah Sulub  Cabdi Axmad iyo Cali Xuseen(Cali Dheere) , waxana la afduubay xilli ay ku sugnaayeen Waddanka Kenya.

Saraakiishan ayaa lagu arkay Magaalada Nairobi ee Kenya waxaana labada sarkaal ee katirsan ONLF sii dayntooda Wararka laga helayo ay sheegayaan in Beesha Caalamka iyp Kenya oo gadhwadeen ka ah Wadahadalka Itoobiya & ONLF ay dadaal ugashay siidaynta Saraakiishan.

Dadka Falanqeeya Siyaasada Gobolka ayaa talaabada itoobiya ku tilmaamtay mid guul u ah wadahadalka, waxaana intaa say raaciyeen inay keenayso wadahadal laga sameeyo ka guul gaadhista wadahadalka.

Masuuliyiin katirsan ONLF ayaa soo dhaweeyay Siidaynta Saraakiisha. waxaana ay sheegeen inay muhiim tahay socoshada wadaadalka oo muhiim u ah labada Umadood.

Ugu dambayntii labada dhinac ayaa awal kala joogay in Itoobiya ogolaato in dadka Soomaaliyeed laga qaado afti si loo ogaado fikirkooda, halka Itoobiyana sharuuda ugu wayn ay ahayd in Jamhada ONLF ay aqoonsadaan Datsuurka Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed