Ethiopia Oo U Yeedhay Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo Sababaha loo Aanaynayo
Addis Ababa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ethiopia, ayaa la sheegayaa inay U yeedhay Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiwli sheikh Axmed si la iskugu dayo in hoos loo dhigo khilaafka dhex yaalla isaga iyo Ra’isal wasaaraha.
Wararka nasoo gaadhaya, ayaa in ra’iisal wasaaraha warqad qoraal ah ka soo gaadhay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn,taasi oo loogu sheegay C/wali in sida ugu dhaqsiyaha badan ku yimaada Ethiopia.waxaana warar hoose ay tilmaamayaan in C/wali lagu qasbayo inuu xilka isaga dego.
Lama oga sida uu uga jawaab celinayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya qoraalka kaga yimid Ethiopia oo ah Dal si dhaw ula socda Xaalladda Somalia, balse haatan ma fududa inay helaan Xalka dhibka taagan.
Dowlada Ethiopia ayaa qeyb ka ah Dowladaha kor ka maamulaha Soomaaliya,iyadoo ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo la dagaalama Al-shabaab.
Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysanaya khilaafka madaxda dalka,iyagoo sii kala jiidanaya xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
SDN/QJ