Ethiopia Oo Switzerland Ka Dalbatay inay U Soo Gacangeliso Afduubihii Diyaaradda Etiopian Airline
Addis Ababab:21-Feb-2014(SDN)-Dowladda Itoobiya, ayaa dalbaneysa in lagu soo wareejiyo ninkii qafaashay diyaaradii Ethiopian Airlines oo Haatan ku Xidhay dalka Switzerland.
Qafaashaha Diyaaraddan oo Da’diisa lagu sheegay 30-jir, ayaan magaciisa la shaacin, waxana uu Dawladda Switzerland ka Dalbaday inay Magangelyo siiso ka Hor intii aanu diyaaradii uu wadaha ka ahaa ku Dejin Magaalada Geneva.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Itooiya Ridwaan Xuseen, ayaa Dowladda Switzerland ugu yeedhay in ay ku soo wareejiso, kaaliyaha duuliyihii diyaarada Itooiya ee la qafaashay.
Wasiirka, ayaa ku waramaaya in ninkaasi uu ku kacay fal dambiyeed, isla-markaana uu heystay Sharci uu isaga dhiibi karay sida uu sheegay dalalka Qaaradda Yurub, Haddiiba uu Yurub doonayey inuu Degnnaansho ka Helo.
Sidoo kale wuxuu carab dhabay inaanay jirin sabab uu maanta ninkani u afduuban karay, diyaarada laga leeyahay dalka Itoobiya, ee xilligii uu afduubanaayay ku sii jeeday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Ilaa iyo hadda Booliska Switzerland wax war ah kama soo saarin, waxa ay ka yeelayaan afduubaha, oo maalintii shanaad ku xidhan Magaalada Geneva.
Wasiirka, ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Addis Ababa, xilli duuliyahan si aad ah looga Hadal hayo Guud ahaanba Dalka Ethiopia.
Ninkan diyaaradda Afduubtay, ayaan si Fiican loo Garanayn, waxase jirta inay Dawladda Ethiopia ay si Weyn uga Cadhootay Tallaabadan uu ku Afduubay Diyaaradda Ethiopia Airline oo ka mid Diyaaradaha Ugu Fiican Qaaradda Afrika.
S.D.N