Ethiopia Oo Mudanayaan Ingiriis ah Ka Mamnuucday Inay Booqdaan Sarkaal Mucaarid Oo Jeelashooda Ku Jira
Addis Ababa:Feb,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa la sheegayaa inay xubno ka tirsan Mudanayaasha Waddanka Ingiriiska ku wargelisay inaan loo ogolaan Doonin Booqasho ay doonayaan inu ugu tagaan Andy Tsege, oo ah sarkaal sare oo ururka mucaaradka ah ee Ginbot 7, kaas oo haysta Dhalashada Waddanka Ingiriiska.
Xubnaha baarlmaanka ah ayaa lagu waday in ay booqdaan Itoobiya dhamaadka todobaadkan, balse Haatan u muuqda in ay baajiyeen safarkoodi kadib markii ay wajigabax kala kulmeen safiirka Itoobiya ee Britain.
Wafdiga oo uu hogaaminayey mudane laga soo doorto xaafada u degaana xubinka mucaaradka ahi ayuu qorshahoodu ahaa in xukuumada Itoobiya lagala hadlo Tsege oo haysta dhalasha britain islamrkaa ku noola London.
Jeremy Corbyn ayaa sheegay in ay safarkoodii joojiyeen kadib markii ay la kulmeen danjiraha Itoobiya, Berhanu Kebede, oo sheegay in wafdigu uuna u baahnayn in uu booqdo xabsiga lagu hayo maxbuuska.
Mudane kale oo aqalka odayaasha ee Ingiriiska ka tirsan, Lord Dholakia, ayaa sheegay in arrintan lagu soo bandhigi doono baarlamaanka Britain. Waxa uu intaa ku daray, in ay ka codsanayaan Itoobiya in ay ogolaato in qareen ka socda Britain uu booqdo maxbuuska.
Tsege ayey kal hore gacanta ku dhigeen sirdoonka Itoobiya mar uu ku sii jeeday Eritrea oo fadhi u ah mucaaradka Itoobiya.
Waxaa xusid mudan, in maxbuuska hada ka hor ay maxkamadi ku xukuntay dil isaga oo Itoobiya ka maqan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com