Ethiopia Oo Diyaarad Dagaal Lagala Goostay iyo Dalka Laga Dejiyey
Addis Ababa:Dec,25,2014(SDN/QJ)-Sida ay Baahisay Wakaallada Wararka ee Andalo, waxa Xukuumadda Waddanka Ethiopia lagala Goostay Diyaarad Helicopter ah oo nooca dagaalka ah.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Difaaca Ethiopia ayaa waxaa lagu cadeeyay in diyaaradaasi laga dajiyay garoonka diyaaradaha Ciidamada Militeriga ee Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Dowlada Ethiopia ayaa dowlada Eritrea ku eedaysay in Iyadu ay ka dambaysay diyaarad helicopter ah oo dhawaan lagala goostay.
Sidoo kale, Qoraalka Wasaarada waxaa lagu sheegay in diyaaradu ay ku jirtay duulimaad tababar kadib markii duuliyihii uu ku qasbay ardey baranayey duulimaadka in helicopter u jiheeyo jihada dalka Eritrea.
“Sirdoonka dowlada Eritrea ayaa ka dambeeyay afduubka helicopter-ka,” ayaa Lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Ethiopia.
Wasaaradu waxay qoraalkeeda ku cambaaraysay falkaas waxayna hoosta ka xariiqday in falalka noocaas ah aanay waxba udhimaynin amaanka iyo dimuqraadiyada dalka Ethiopia.
SDN/QJ