Ethiopia Oo Difaacday Maxbuus Dhalashada Britain Haysta Oo Muddo Xabsiga ugu jira
Addis Ababa:June,27,2015(SDN/QJ)-Dawladda waddanka Ethiopia, ayaa si weyn u difaacday gacan-ku-haynta maxbuus dalka Britain u dhashay oo xabsigeeda ku jira, waxana ay ku adkaysatay inay si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ula dhaqantay.
Warbixinta Itoobiya ayaa ku soo beegantay xili dawlada Ingiriisku sheegtay in xaalada maxbuusku dhaawici karto cilaaqaadka labada dhan.
Itoobiya ayaa Andargechew Tsige ku xukuntay xabsi daa’in 2009-kii isaga oo dalka ka maqan. Ninkan ayey sirdoonka Itoobiya ka qabteen Yaman iyaga oo kaashadana xukuumada Yaman.
La-taliyaha ra’isulwasaaraha Itoobiya, Getechew Reda, ayaa sheegay in dawladiisu la shaqayneyso dalka Britain oo si wanaagsan uga warheysa xaaladda maxbuuska. Waxaa uu intaa ku daray, in la buunbuuniyey warka maxbuuska oo xaaladiisu ayna ahayn sida looga deyrinayo.
La-taliyaha ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in dawlada Ingiriisku rajeyso in shuruud la’aan lagu siidaayo qof aragagixiso iyo dambiile ah.
Tsige ayaa xoghaye u ah ururka Ginbot 7 oo dawladu u aqoonsatay argagixso. Ururada kale ee Itoobiya u aqoonsatay argagaixisad waxay kala yihiin ONLF iyo OLF oo ka kala dhaqdhaqaaqa gobolada Soomaalida iyo Oromada. Kooxahan ayey Itoobiya ku eedeysay in ay dawlada ridayaan.
Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa xukuumada ku eedeyey in ay si xun ula dhaqanto suxufiyiinta iyo mucaaradka si loo aamusiyo kooxaha lidka ku ah, laakiin dawlada ayaa eedeymahaas beenaysay.
Xukuumada London ayaa dhawaan ka deyrisay xafimaadka maxbuuska iyada oo sheegtay in meel gaar ah lagu hayo islamarkaana xabsigiisu yahay sharci-darro. Waxaa ay dawlada Ingiriisku intaa ku daratay, in xaaladani wax u dhimi karto xidhiidhka labada dal.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com