Ethiopia: 6 Bilood oo Xaalad Deg Deg ah ,Taliye Sare oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo Toogasho Lagu Dilay & Dhinbiisha Kacdoon oo Meel adag Maraysa
Addis Ababa 14.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxii ciidanka Itoobiya ee dhowr magaalo oo ku yaal bariga dalka ayaa toogasho lagu dilay.
Gaashanle Atsbexa Asgedom ayaa waxaa toogtay xubin ka mid ah ciidankiisa oo ka soo jeeda Qoomiyada Oromada.
Warkan oo lagu faafiyey mareegta warka ee Ethiomedia ayaa lagu sheegay in uu sarkaalku ahaa TPLF taas oo loo fasiran karo in uu ka soo jeedo qoomiyada Tigreega.
Tan iyo intii ay rabshaduhu ka curteen dalka Itoobiya kal hore waxaa sii kordhaya in si gaar ah loo bartilmaamsado sarakiisha iyo masuuliyiinta TPLF.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in sarkaalku madax ka ahaa ciidanka dawlada ee ku sugan degmooyinka Harar, Dirdhabe, Haramayo iyo Aawadee oo dhamaan ku dhow ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Warar aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in dilku ka dhacay Aawadee oo ah xarun ganacsi islamarkaana ay hadda ka hor ka dhaceen dibadbaxyo xoog leh oo xukuumada lagaga soo horjeedo.
Dhanka kale, waxaa jira warar tilmaamaya in ay rabshado xoog leh ka dhaceen magaalada Dilla oo ka mid ah Ismaamulka koonfurta Itoobiya. Ilo wareedyo maxali ah ayaa tibaaxay in sarkaal boolis ah ay ciidanka Itoobiya ku dileen magaalada taas oo hurisay kacdoon horey halkaas uga jiray.
Rabshadaha ayaa ku fiday dhulka ku dhow Dilla iyada oo mareegaha wararka ee dawlada lidka ku ah sheegayaan in ciidanku bartilmaamsadeen dadka ka soo jeeda qoomiyadaha Axmaarada iyo Guraagada.
Waxaa jira xogo badan oo qeexaya in xubno tiro badan oo ciidanka dawlada ahi amar-diido sameyeen islamarkaana la safteen dadweynaha.
Dawlada Itoobiya ayaan inta badan ka hadal waxyaabaha ay mucaaradku sheegtaan marka laga tago eedeymo ay u soo jeediso iyada oo xusta in ay u adeegayan xoogag shisheeye.