|

Ergeyga Shiinaha ee Geeska Afrika oo u digay Somaliland

Muqdisho (QJ) – Ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing, ayaa ku hanjabay inaanay u dulqaadan doonin cid kasta oo wax u dhimaysa midnimada Shiinaha iyo Taiwan, isaga oo u soo jeediyay Somaliland inay dib u eegto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan.

Ergaygu waxa uu sheegay inay dawladiisu aad uga xun tahay socdaalkii uu dhawaan Somaliland ku yimid wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Taiwan Tien Chung-kwang oo Hargeysa u yimi ka qayb galka caleemo saarka madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

“Uma dulqaadan doono qof kasta oo isku dayaya inuu wiiqo midnimada Shiinaha,” Xue Bing ayaa yidhi. “Waxaan saaka la kulmay madaxweynaha, waxaanu ka wada hadalnay arrimaha Somaliland, anagoo la yaabnay martiqaadkii dhawaan loo fidiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Taiwan.

Waxa kale oo uu sheegay in labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeedaan booqashadaas, isagoo ku nuux-nuux saday in uu jiro hal Shiine oo caalamka laga aqoonsan yahay, isaga oo u soo jeediyay Somaliland iyo Taiwan inay ixtiraamaan.

Xue Bing waxa uu intaas ku daray “Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan kala maarmin, sidaa darteed, waanu ka soo horjeednaa xidhiidh kasta oo Somaliland la leedahay, waxaanan ku boorrinaynaa Somaliland inay tixgeliso siyaasadda ‘Shiinaha oo keliya’.

Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeeda xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, oo ah laba jamhuuriyadood oo iskood isku magacaabay oo aqoonsi raadis ah, kuwaas oo xafiisyo wakiillo ah isweydaarsaday 2020-ka.

Comments are closed