Ergeyga QM iyo Jamacada Carabta u qaabilsan Syria oo wadahadal ugu baaqay dhinacyada dalkaa isku haya,beritona lagu wado inuu Dimishiq gaadho
Dimishiq Mar 10,2012(SDN)-Ergeyga gaadhka ah ee QM iyo Jaamacada Carabta Koffi Anan ayaa dhinacyada isku haya talada dalka Syria ugu baaqay wadahadal si loo soo afmeero colaada galaafatay shacab faro badan oo dalkaa ku noolaa.
Mr Anan ayaa sheegay in tilaabo ciidan oo la qaadaa ay xaalada uga sii dari doonto.
Hadalka ka soo yeeray Ergeyga ayaa ka cadheysiiyay mucaaridka dalkaasi oo u arka talaabo ciidan uun xilka looga tuuri karo Bashaar Al Asad.
Mr Anan ayaa lagu wadaa in uu malinta berito ah gaadho Dimishiq si uu wadahadalo ula yeesho madaxweynaha dalkaas.
Geesta kalena mucaaridka dalkaasi ayaa sheegay shalay in dalkaasi ay ku dhinteen 54 ruux ka dib kolkii duqeyn ba’an ciidamada dalkaasi ay ku qaadeen magaalada Homs.
SDN-Dimishiq