Ergeyga QM iyo Jaamacada Carabta ee Suuriya oo Moscow wadahadal u tegay
Moscow Mar 24,2012(SDN)-Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan qaramada midoobay iyo jaamacadda carabta xal u helida dagaalada ka aloosan Suuriya Mr Koofi Anan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda dalka Ruushka ee Moscow, si uu taageero ugu helo qorshaha uu doonayo in lagu xaliyo mashkiladda ka oogan dalka Suuriya.
Mr Koofi Anan waxa la filayaa in kulamo uu la yeesho madaxda Ruushka gaar ahaan madaxweyne Mr Mitrii Medyadef iyo wasiirkiisa ariimaha dibadda Mr Sargay Ifanoof, isagoo kala hadli doono sidii maamulka Ruushku ugu cadaadin lahaa xukuumadda Suuriya in ay aqbasho qodobada uu soo jeediyo Mr Koofi Anan , Iyadoo ay jirto inuu xidhiidh fiican ka dhexeeyo xukuumadda Ruushka iyo dawlada Suuriya.
Hase yeehsee xukuumadda Suuriya waxa ay ku andacoonaysaa in markii hore kooxaha hubaysani dhigaan hubkooda, dawladaha jaarka ahina xidhaan xuduudaha ay Suuriya la wadaagaan.
SDN-Moscow