Ergeyga QM ee Somalia oo Ammaanay Dhallinyaradda maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyaradda
Muqdisho,13Aug,2015(QJ/SDN)-Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa salaan aad u diiran u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay dhalinyaradu door ka qaadan karaan dib-u-dhiska Somalia oo nabad iyo barwaaqo ah.
“Dhallinyaradu waxay la imaan karaan tamar iyo firfircooni cusub, waxqabad iyo hal-abuur ku saabsan dhaqaale unkid si ay u sameeyaan nolol iyo is-bedel wax-tar leh maadaama ay yihiin dad keeni kara is-bedel ahna dad leh hal abuur ganacsi,” ayuu yidhi Danjire Kay.
Sidoo kale, Kay ayaa soo dhaweeyay qorshihi ay dhawaan ansixiyeen dowlada Federaalka iyo Qaramada Midoobay kuna saabsanaa shaqaalaynta dhallinyarada, sidoo kalena wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida adage ee loo qabo in wax laga qabto shaqo la’aanta aadka u baahsan ee haysata dhalinyarada.
“Waxaan ugu baaqayaa deeq-bixiyeyaasha & Dowlada inay mudnaan siiyaan shaqaalaynta Dhallinyarada si loo adkeeyo Arrimaha Nabadda iyo Geeddi-socodka Siyaasadeed ee sida isasoo taraysa uga jira dalka.”
Ugu dambeyn, Kay ayaa ku Amaanay Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya(Dajinta) Siyaasadda Heerka Qaran ee khusaysa arrimaha dhalinyarada. Sidoo kalena wuxuu Ergeygu kusoo celiyay Go’aanka Qaramada Midoobay ee ah inay taageerto wiilasha iyo haweenka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo inay si macno leh uga qayb qaataan geedi-socodka nabadda iyo qaran-dhisidda.