|

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo sheegay in Shabaabku ku gaagexeen Hawlgalada ka dhanka ah

Nairobi Mar 25,2014(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ay kor u qaadeen weeraradoodii intii ka danbeysay hawlgalo ka dhan ah oo ay qaadeen ciidamada AMOSOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya oo is kaashanaya.

“Waxa hawlgalada ka hor bilodey weeraro faro badan oo shabaabku ay dalka ka fuliyeen khaasatan magaalada Muqdisho”ayuu yiri.

Kay ayaa sheegay in Shabaabku ay haatan khatar weyn ku yihiin dalalka jaarka la ah Soomaaliya oo ciidamona ay halkaa ka joogaan.

Kay ayaa waxa uu ka waramay hawlgalada Ciidamada AMISOM iyo kuwa  dawlada Soomaaliya oo uu sheegay in ay guulo soo hooyeen.

“Waxa laga saaraay magaalooyin waaweyn waxaase ay ku soo qulqulayaan magaalada Muqdisho,waxa dhici karta in ay doonayaan in ay goobo kale uga sii gudbaan”ayuu yiri Mr Kay.

Shabaabka ayaa dhankooda dhaar ku maray in ay dagaal ka dhan ah ciidamada Africa ku qaadi doonaan ilaa ay dalka ka saaraan.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed