Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Ukraine oo Crimea laga eryaday
Crimea Mar 16,2014(SDN)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Ukraine Mr Richard Seri ayaa markii u horeystay booqday gobolka xiisadu ka taagtan tahay ee Crimea.
Kooxo u muuqday in ay Ruushku abaabuleen oo hubeysan ayaa ergeyga u diiday in uu gudo dalo baaritaano uu ku sameeyo xaalada siyaasadeed ee gobolka Crimea.
Kooxahan oo aad u hubeysnaa ayaa ergeyga ku ooday maqaaxi shaaha lagu cabo ka dibna ku khasbay in uu magaalada gebi ahaanba uu isaga baxo.
Ergeyga oo xaaladiisa amaan u baqday ayaa saacado ka dib waxa uu ogolaaday in isla kooxaha hubeysan ee Ruushka taageera in ay u gelbiyaan dhanka Garoonka duyuuradaha si uu gobolka isaga baxo.
Dhacdadan ayaa ismaneysa xili dalalka reer galbeedku wadaan dedaalo la doonayo in lagu wada hadal siiyo madaxda dalka Ukraine iyo kuwa Ruushka.
SDN-Cremia
contact@somalidiasporanews.com