Ergeyga mucaaridka Jabuuti USN ee Canada iyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo kulan la qaatay Wasaarada Arrimaha Dibedda Canada
Ottawa Mar 21, 2015(SDN/QJ)-Wakiilka Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole oo uu weheliyo Sheekha Reer Jabuuti ee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa kulan waxa ay la yeesheen Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalkan Canada.
Kulanka oo looga hadlay arrimo khuseeya Jaaliyada reer Jabuuti ee dalkan Canada iyo sidii dawlada Canada ay gacan uga geysan laheyd isbedel siyaasadeed oo ka taaba gala Jabuuti.
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa kulanka ku soo bandhigay cabashooyin ku wejahan dawlada Jabuuti oo uu doonayay in Canada ay gacan ka siiso.
Sheekhu waxa uu dhawaan Safaarada Jabuuti ee Washington u diray passport kiisa Jabuuti oo uu doonayay in loo cusbooneysiiyo.
Dawlada Jabuuti ayaa dalkaa diidmo uga jawaabtay isla markaana aan u soo ku soo celin jawaab waafi ah oo goaankaa ku saabsan.
Dawlada Canada ayaa Sheekh Cabdiraxmaan U sheegatay in safaaradooda Adis Ababa ay arinkan dabagal ku sameyn doonto sababta sheekha Passaport kalooga xanibay.
Sidoo kale Ergeyga USN ee Canada Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole iyo Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankooda kula soo qaaday masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa ka wada hadlay sidii gacan looga siin lahaa mucaaridka qurbejooga Jabuuti.