Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xaalada Suxuufiyad Muqdisho lagu kufsaday
New York Nov22,2013(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomalaiya ayaa ka hadlay xaalka Suxuufiyad Muqdisho lagu kufsaday oo ay xabsiga dhigeen ciidamada dawlada Soomaaliya.
Gabar Suxuufiyada oo soo bandhigtay kufsi uu u geystay suxuufi kale oo ka hawlgala warbaahinta dawlada Soomalaiya iyo weriyihii dhacdadan ka wareystay oo xabsiga la dhigay.
“Qaramada Midoobey waxa ay dusha kala socotaa eeda kufsi soo shaacbaxay,waxaana muhiim noo ah in qareen iyo baaritaano sax ah la sameeyo iyo in la sugo xuquuqda saxaafada”ayuu yiri Nicholas Kay.
Dawlada Soomalaiya ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku sheegtay in Kufsiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah Dumarka in uu ka soo horjeedo dhaqanka Soomalaiya.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com