Ergeyga cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo xilka la wareegay
Nairobi 14.Aug.2013 (SDN)-Ergeyga cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, sida lagu sheegay war-saxaaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka.
Ergeyga cusub ayaa beddelay ergeygii hore, James Swan oo ka shaqeeyay Soomaaliya tan iyo August 2011.
James P. McAnulty waa dibloomaasi Mareykan ah oo ka howlgalay safaarado badan oo Mareykanka uu ku leeyahay caalamka.
Wuxuu haystaa abaal-marin ay bixiso waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo uu ku mutaystay shaqadii uu ka qabtay xafiiska qaxootiga ee safaaradda Mareykanka uu ku leyeahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ka hor inta uusan ku biirin waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mr. McAnulty wuxuu sanadkii 1977 darajada Bachelor ee cilmiga sayniska ka qaatay akadeemiyada ciidanka cirka ee Mareykanka ee Colorado Springs.
Wuxuu noqday askari ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka.
Nairobi SDN.