Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay oo Socdaal ku Yimid Garowe
Garowe 20.October 2013 (SDN)- Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay ayaa ku tagay maantabooqasho magaalada Garowe xarunta dowladda Puntland, waxana garoonka ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan dowladda.
Aqalka Madaxtoyada aya wafdiga Qaramada Midoobay loo soo galbiyay, waxana halkaasi kulan kula leeyihiin Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole iyo xubno ka mida dowladda.
Amaanka, Dastuurka Federaalka, xaaladaha Puntlad iyo xiriirka waayadan danbe soo xumaaday ee Muqdisho iyo Garowe ayaa lagu wadaa in miiska wada hadalka la soo saaro qodobo ay ka mid yihin , waxana markuu kulankoodu soo dhamaado ay la hadli doonaan saxaafada.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com