|

Ergayga Qaramaada Midoobay oo ka hadlay xaalada degmedda Taleex

Nairobi April 16,2014(SDN/QJ)-Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

“Waxaan ku baaqayaa in la muujiyo  dheganaansho,xaaladda laguma xalin karo hab ciidan, dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira ama u qaboojiyaan xaaladda,waana in ay ku xalliyaan arrimahoodda  si ay ku dheehantahay xasilooni,  nabad iyo isu tanaasulid,dadka Soomaaliyeed way soo dhibtoodeen in ku filan,waxeyna ogyihiin in wax wanaag ah aan lagu gaareeynin dagaal iyo amni la’aan.xafiiska UNSOM iyo Bulshada Caalamka ayaa labaduba ku baaqaayo in la muujiyo dulqaad aad u weyn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhinacyada ka taageerno wixii dhexdhexaadin ah” ayuu yiri egreyga gaarka ah ee qaramada midoobay Nicholas Kay.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed