|

Ergadii uu Dirtay Jamaal Cali Xuseen oo Shaaciyey inay Ku Heshiiyeen inay Ku Biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Jamaal Cali Xuseen oo Ka Gaws Qabsaday DAAWO

Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Ergadii Wada Hadalka la Furtay Labada Xisbi Qaran ee Kulmiye Iyo Waddani ee uu Magacaabay Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Maanta Sheegay inay Go’aan Ku Gaadheen inay Ku Biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadddani Iyadoo Madashii Ergadani hadalkan ka Jeedisay uu ka Maqnaa Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen oo u Muuqda Mid diidan Go’aanka Ergadan.
Sida ay Sheegayaan Warar Xog Ogaal ah oo Shabakada Qurbejoog ka Heshay Ilo u dhuun daloola Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Sheegay inay aaminsan Yihiin in Dhawaqa ka soo Yeedhay Xubnahani aanu ahayn Mid ay Heshiis ku Yihiin.
Maxamed Gacayte oo ah Xoghaynta Gaarka ah ee Jamaal Cali Xuseen ayaa Qoraal Kooban oo ku Faafiyey Degelka Facebook Waxa uu ku Sheegay Sidan:-
GARABKII JAMAAL WUU JIRAA, CIDII KA BAYDHAA XOR BAY U TAHAY.
Waa shakhsiyaad u jandhjeedhsamay Wadani oo qaarkood ka mid ahaa Gudidii wadahadalka ee jamal magacaabay. Runtii waa shakhsiyaad nala soo shaqeeyay Xorbay u yihiin meesha ay ku biirayaan. Waxaanan u sheegayaa in Aqlabiyada garabkii Jamal Ali Hussein, Taageerayaashii Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Dalka, Maayarada (Gabiley, Berbera, Laascaanood, iyo Mayor xigeenka Casimada), Masuuliyiinta Laamaha Dibada iyo Taageerayaashii mudada dheer nala soo halgamay aanu dhowaan shaacin doonaan halka aanu ku biirayno. Waxaanad ogaataan Markay cidi xisbi ku biirayso muhiimadu maaha shakhsiyaad anigana ku dhahoo, Balse waa aqlabiyada iyo Jamal halka ay maraan. Sxbadayna waxaan u malaynayaa inay durbaan dhagaxa tunteen, waanan u ducaynayaa halka ay mareen.

Comments are closed