Ergadii ka soo Kicitintay Buuhoodle oo Ku Kala Qaybsamay Sii Daynta Jaamac Kuutiye “oo falal argagixiso u Xidhan” Inay La Hor Tagaan Madaxweyne Siilaanyo & Beelo Kale oo Fadhiga ka soo Kacay
Hargeysa, , 15 Feb 2015 (SDN/QJ) Weftigii Cuqaasha iyo Odayaasha reer Buuhoodle ee wada xaajoodka u yimi Hargeysa oo Shalay Gelinkii hore la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay isku qabteen waxa ay la hor tegayaan xukuumadda.
Warar laga soo xigtay illo ku dhawdhaw weftiga ayaa tibaaxay, in weftiga la dejiyay Huteelka Iskaandaneefiyan ee Hargeysa, halkaas oo uu dejiyay Wasiirka Caafimaadka oo ah Wasiirka xukuumadda ugu jira Gobolka Buuhoodle. Hase yeeshee siday xogahaasi tibaaxeen markii weftigu halkaa degay kadib, sadex ka mid ah xubnaha weftigaa, ayaa laga raray huteelka oo loo wareejiyay Huteel kale, isla markaana waxay illahaasi sheegeen in talaabaddaa lagu kala jabiyay weftiga reer Buuhoodle loo aanaynayo inay lug ku lahaayeen xubno xukuumadda iyo wakiiladda ka tirsan oo ka soo jeeda gobolka Sool oo beryahanba loo tirinayo inay dagaal siyaasadeed ku hayaan Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye.
Warku wuxuu intaa ku daray, in dhacdadaa kadib, Wasiirka Caafimaadku shalay xubnaha weftiga oo tiradoodu gaadhayso dhawr iyo toban xubnood, sadexdaa ka guuray mooyee intoodii kale, uu u sheegay inay ka daba tagaan sadexdaa xubnood oo weftigu meel wada dego, si aan loo lumin midnimadda weftiga, sidaana ay isla qaateen cuqaasha iyo wasiirku. Hase yeeshee mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Wasiirka si aanu wax uga waydiino arrimahaa, telefoonkiisu wuu xidhnaa.
Dhinaca kale, xogaha uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola weftigu waxay tibaaxeen, in aragti ahaan weftigu ku kala aragti duwan yahay waxa ay la hor tegayaan Madaxweynaha, isla markaana badi cuqaashu waxa la sheegay inay isku raacsan yihiin, in xukuumadda ay kula garnaqsadaan oo kala hadlaan marka hore wixii suuragal ah, ee la xidhiidha danta guud ee umadda gobolkooda oo dhan kastaba ah iyo sidii turxaan bixin iyo nabadayn buuxda loo unki lahaa.
Hase ahaatee sadex afar xubnood oo ka mid ah ayaa la sheegayaa, inay ku adag yihiin, in qodobka koowaad ee miiska la dhigayaa uu noqdo sii daynta nin lagu magacaabo Jaamac Kuutiye oo ka mid ah rag u xidhan falal argagixiso oo ay ka fuliyeen Somaliland. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in xubnaha sii daynta ninkaa in la horaysiiyo doonayaa, ay isku xidhan yihiin xubno xukuumadda ka tirsan. Hase ahaatee, xogahaasi may sheegin dhinaca ajandaha weftigu la hor tegay Madaxweynaha oo Kulan dheer ay Maalintii Shalay yeesheen kaas oo aanu Wax War ahi ka soo bixin.
Sul. M. Xaaji Xuseen iyo Sul. Maxamuud Guuleed oo xoguhu sheegeen, inay qayb ka yihiin tabaabushaha hawsha nabada ee weftigu u socdo, ayaa iyana la tilmaamay inay u dhexeeyaan Madaxtooyada iyo weftiga, isla markaana waxay illo cuqaasha ku dhawdhawi tibaaxeen, inay ku wargeliyeen inay la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada oo keliya.
Mar aanu khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhnay si aanu arrintaa wax uga waydiinayna, maanu helin. Xogahaa ka sokowna ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.
Dhinaca kale, hadal haynta sii daynta Jaamac Kuutiye ee weftiga Buuhoodle ee u yimi ayaa u muuqata, mid soo kicisay odayaasha beelo kale oo rag falal argagixiso fuliyay ay ka xidhan yihiin, kuwaasoo la xidhan Jaamac Kuutiye, isla markaana warar Ogaal ka soo gaadhay gobolka Sanaag ayaa sheegay, inay jiraan Odayaal iyo madax dhaqameed la filayo inay Hargeysa u yimaadaan sii daynta nin lagu magacaabo Daa,uud oo la xidhan Jaamac Kuutiye.
Xigasho Wargayska Ogaal