Ergadii Golaha Guurtida oo Kulan laba Geesood ah la Yeeshay Labadii Garab ee Wakiilada
Hargaysa 16.Feb 2014 (SDN)- Guddi Golaha guurtida Somaliland u saaray Xalinta khilaafka mudooyinkii u dambeeyay ka taagnaa Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay guddi ka kooban labada garab ee Golaha wakiiladu u kala jabay. Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa labada dhinac Golaha wakiilada Guurtidu kaga dhagaysteen Aragtiyaha kala duwan ee Goluhu ku hirdamayo, iyadoo gabagabadiina laga saxeexay inay labada dhinacba aqbalaan natiijada iyo go’aamada Golaha guurtidu ka gaadho Khilaafka Golaha ka jira.
Guddi labada garab ee Golaha wakiiladu u saaray xalinta khilaafka ayaa ka dib dhawr maalmood oo wada xaajood u socday shalay sheegay inay isku fahmi waayeen Xalka golaha wakiilada islamarkaana ay isla garteen in Golaha guurtida loo gudbiyo xalinta khilaafkaasi.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin iyo Xildhibaan Ibraahin Mahdi buubaa oo la hadlay maanta warbaahinta ayaa sheegay inay Arinta Golaha guurtida u gudbiyeen islamarkaana sugayaan xalka ay keenaan oo labada dhinacba rajo ka muujiyeen inay aqbali doonaan.
Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdiwaraabe) oo isna ka hadlay Arintaasi,wuxuuna sheegay inay aqbaleen Arinka Wakiiladu ku soo wareejiyeen. Waxa uu tilmaamay inay bari bilaabi doonaan dhexdhexaadinta Golaha Wakiilada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com