|

Ergadda Nabadeynta Dharkayn-Geenyo oo ku Guulaystay inay kala raraan Ciidammo is-horfadhiyay

Dharkeyn-geeyo,5Aug,2015(QJ/SDN)-Ergada Nabadeynta Dharkayn-Geenyo ayaa Gellinkii dambe ee shalay ku Guulaysatay inay raraan ciidamada beel ka mid ah Beelihii Xur-guf ku dhexmartay Magaaladaas oo 90-KM kaga Aaddan Galbeedka Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Kulan ballaaran oo  ujeeddkiisu ahaa hubtina in kala Qaaday Ciidamadan ayaa  ka dhacday duleedka Tuulada Saax-dheer, kaasoo ay ka Qayb-galeen Ergada dhex-dhexaadinta ee uu Hoggaaminayeen, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Jamac Garaad Cali, Cuqaasha iyo Odayasha deegaanka Saax-dheer, waxaana halkaas laga jeediyay khudbado kala duwan.

SANYO DIGITAL CAMERA

Cali Maxamed Ciise Yool iyo Cali Xirsi Cawl oo ku hadlayay afhayeennimo ayaa sheegey in Bulshada deegaanka Saax-dheer ay si dhameystiran ciidmadooda uga rareen halka ay ku sugnaayeen, diyaarna u yihiin nabad dhameystiran.

 

Sidoo kale, Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyo Suldaan Cali Sh. Axmed oo dhanka Ergada Dhexdhexaadinta u hadlayay ayaa iyaguna goobta ka caddeeyay in beeshaasi ay soo rareen ciidammadii ka joogay duleedka Dharkayn-Geenyo ayna uga mahad-celiyay, waxaay sidoo kale caddeeyee in dhanka kalena ay u yihiin diyaar nabada, waxaa dhimana ay ku hawlana yihiin sida ugu dhaqsaha badan.

SANYO DIGITAL CAMERA

Gunaadadkii kulankan ayaa waxaa Halkaasi ka Hadlayay, Garaad Jamac Garaad Cali oo u Mahadceliyay ergayada ku hawlan dhex-dhexaadinta, isagoo dhanka kalena labada beelood ee Walaalaha ah ugu baaqay inay Nabad iyo Sharaf ku Wada-nooladaan.

 

Ugu dambeyn, Colaadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa ah mid in badan soo laalaabtay noqonaysay, hase ahaatee mar kasta la isku dayayay in la dhamaystiro lana soo xaaro sababaha keenaya.

 

 

Comments are closed