Ergada Somaliland u Matalaysa Wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo Kulan Xasaasi ah Hargaysa ku yeeshay DAAWO
Hargaysa 19.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddida Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Hargeysa. Kulanka ayaa lagu lafo gurayay waxyaabaha Somaliland la tagayso Shirka Turkiga ka qabsoomaya ee labada dal.
Kulankan oo Albaabadu u xidhnaayeen markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirku waxa uu sheegay inay talooyin badan oo arrimaha wada hadalka ku saabsan ka heleen Baarlamaanka Yurub oo ay dhawaan bookhdeen, Dad aqoon yahan ah iyo waliba Wasiiro beesha Caalamka ah kuwaasi oo wax ka taraya Qorshahooda.