Erdogan oo Goaansaday in uu la Kulmo Dibedbaxayaasha
Istanbul June 11,2013(SDN)-Raiisul Wasaarahadalka Turkiga Rejip Erdogan ayaa ogolaaday in uu la kulmo madaxda kooxaha kacdoonka ka wada dalkaasi maalintii 11naad.
Erdogan ayaa la sheegay in madaxda dibedbaxayaasha in uu kala hadli doono qodobada ay dalbanayaan.
Xafiiska Erdogan ayaase war uu soo saaray waxa lagu sheegay in aan sinaba loo ogolaan doonin.
Kacdoonka hareeyay Turkiga magaalooyinkiisa waaweyn ayaa ka bilowdey ka dib kolkii ay Booliska iyo dibedbaxayaal ku sugnaa beer ku taal Istanbul ay isku dheceen.
Dibed baxayaasha ayaase kolkii danbe dalbaday in xukuumada Erdogan ay is casisho.
Dibedbaxayaasha ayaa xukuumada Turkiga ku eedeeyay in ay dooneyso in ay dhaqangeliso shuruuc adag oo Islami ah.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com