|

Erdoğan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

ANKARA (QJ) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, iyagoo dadaal xooggan u galay sidii loo fududeyn lahaa wada-hadallada labada dhinac.

Kulankan ayaa waxaa ka dhashay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka codsaday Madaxweyne Erdogan inuu gacan ka geysto sidii loo xalin lahaa xiisadda muddada sanadka ah ka dhaxeysay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku bilaaban doona wadahadalo gooni gooni ah oo madaxda labada dal ay si gooni gooni ah ula kulmi doonaan Madaxweyne Erdoğan oo markaasi u gogol xaari doona isku soo dhawaansho horseedi karta kulan toos ah iyo is afgarad.

Sida xogta aan kuhelayno Abiy Axmed ayaa muujinaya rabitaan uu uga tanaasulayo gabi ahaanba heshiiskii muranka dhaliyay ee uu la galay Somaliland.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ku adkaysanayo mawqifkii ay dawladdiisu hore u qaadatay ee ahaa inay Itoobiya si buuxda uga noqoto heshiiskii MOU ee ay Somaliland la gashay.

Khubarada diblomaasiyadda ayaa rumeysan in waxyaabaha soo dedejiyay kulanka Ankara ay ka mid tahay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Soomaaliya dhamaadka sanadkan oo ATMIS aysan qeyb ka noqon howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Comments are closed