|

Eng. Yariisow: “ dastuurka markii hore waxaa mas’uuliyadeeda lahaa Saxeexayaashii Puntland horseedka ka aheyd..”

yariisow Mugdisho:7-Aug-2013 (SDN)Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)  oo wareysi siiyay Idaacada BBD-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa si kulul uga jawaabay go’aanka Maamulka Puntland uu ku dhawaaqay inuu xidhiidhka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxa uu  sheegay Yariisow in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay hadalka ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland, waxana uu yidhi Afhayeenka madaxtooyada Somalia,”Aad iyo aad ayay dowladda uga xun tahay warka noocaas ah, mana aha war mas’uul , mana aha war dhiirri- gelinaya midnimada umada Soomaaliyeed, anaga mar walba waxaa naga go’an dowladda in meel walba gaadho, shacabka loo adeego”ayuu yidhi Eng. Yariisow.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Eedeyamaha ka soo yeedhay Puntland ay tahay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, isagoo tilmaamay in Puntland ay ka mid yahay dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiradana  xubin ka tahay.

“Waa Eedeyn aan ku habooneyn dowladda, dowladdu waxay ka koobantahay  qeybaha bulshada Soomaaliyeed Awood qeybsigu waa mid naga wada dhaxeysa, Puntland dowladda dhexe ayaa loogu jiraa, golaha baarlamaanka iyo Golaha wasiirada ayaa loogu jiraa, Puntland  si gaar ah ayaan  tixgelin u siinay, wada shaqeynteeda diyaar ayaan u nahay,waana sii joogteynaynaa, waxaa is leenahay wada jirkeena iyo midnimadeena umada dhan ayay dan u tahay”ayuu mar kale yidhi Eng. Yariisow.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay qoonsadeen Puntland oo ahaa heshiiskii dowladda Soomaaliya la gashay shirkad ammaanka xeebaha qaabilsan ayuu sheegay in dowladda ay waajib u leedahay inay shirkado dibadeed heshiis la gasho, isla markaana ay sharciyad buuxa u leedahay, hase ahaatee wixii jira ay xalin karaan, Puntland ka wada hadli karaan.

Sidoo kale mar la weydiiyay eedeynta Puntland ee in wax laga bedelay Dastuurka ayuu sheegay in aanay taasi sax aheyn, isagoo cadeeyay in aanu garan karin  cabooshooyinka aan salka iyo raadka laheyn sabab dowladda loogu eedeeyo sida uu yidhi.

“Waxba lagama bedelin dastuurka markii hore waxaa mas’uuliyadeeda lahaa Saxiixayaashii, Puntland horseed ka aheyd, Dastuurkana dib u eegis baa baarlamaanka ku sameynayaa, Waa howl baarlamaanka hortaala eedaas nama qabato runtii”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Eng. Yariisow.

 

Comments are closed