|

Eng. Maxamed Xaashi Oo Qalinkiisa ku soo Bandhigay Boogaha Xukuumadda iyo Xalka uu U hayo

Hargeysa:23-Sep-2013(SDN)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Qoraal Dheer oo soo Saaray si faahfaahsan uga hadlay Xaaladda Guud ee Dalka Somaliland iyo Caqabadaha lagama-gudbaanka ah ee ilaa intii Somaliland dhidibadda loo taagay ay ka tallaabsan la’dahay.

ENGEng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu qoraalkiisan ku caddeeyey sida Dalka Somaliland Qaniga ugu yahay Khayraad dihin oo aan far la saarin, haddana umaddiisu  u tahay mid ka mid ah umadaha ugu saboolsan dunida, waxana uu sidoo kale caddeeyey in ilaa sanadkii 2011-ka wixii ka dambeeyey cashuurta dawladdu qaadday ay sii yaraanaysay, taasina ay sababtay in korodhka miisaaniyaddu uu hoos u dhaco.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu qoraalkiisan ku xusay in Haddii sidaas lagu sii socdo miisaaniyaddu qaranku hoos udhici doonto, taasna ay sababteedu tahay madaxda waddanka gacanta ku haysa oo muhiimadda siisa qabiilka, islamarkaana dacal ka dhaaftay dastuurkii iyo sharcigii dalkani lahaa.

Eng. Maxamed Xaashi ayaa khasaare ku tilmaamay tirada 46-wasiir ee xukuumaddani ka kooban tahay oo uu sheegay inay dalka ka qaataan mushahar ka badan $877, isagoo xusay inay ka mudan tahay  in ka yar soddon cagaf-cagaf oo dalka Biyo-xidheeno loogu qodo.

Qoraalkan dheer ee wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland soo saaray oo u jeeddadiisu tahay in shacabka uu ugu soo bandhigo waxyaabaha ka qarsoon, islamarkaana uu ku toosiyo xukuumaddan maanta talada haysa oo uu tusaalooyin mudakar ah ku siiyo, ayaa u dhignaa sidatan:

 

Waxa in badan la sheegaa, in SOMALILAND SABOOL TAHAY. MA DALKAA KHAYRAADKU KU YAR-YAHAY mise, DAWLADDAAN TAMAR LAHAYN? Arrintan marka loo kuur-galo, waxa innoo caddaan ah halka cilaaddu tahay. Bal aan ku horeyno xaaladda dhaqaale ee Dalka.

A)      KHAYRAADKA DALKU, wuu badan yahay, Waxa ka mid ah:-

1. Xoolaha nool ( geel, lo’ iyo adhi ), oo ah laf-dhabarka dhaqaalaha ee Maanta.                                                                                                                2. Macdan iyo petrol buu leeyahay  weli DIHIN .                                                                                                                                                       3  Wuxu leeyahay Bad Xeeb dheer 850 km. oo KALUUN badan kujiro.                                                                                                              4. Dhul-beereed aan la intifaacsan oo badan ayaa jira.                                                                                                                                                       5.Dhuxul dhagax  buu leeyahay weli DIHIN.

 

Xaaladda Dhaqaale ee Maamulkani dhaxlay, August 2010 waxa ay ahayd khasnad madhan:-

Xisaabta Dawladda dhexe a/c 08, oo madhan.                                                                                                  Xisaabta dawladda Hoose a/c156, oo madhan.

Xisaabta 2% ee horumarinta gobolada Bari oo madhan.

Xisaabta Hay’dda wadooyinku (SRA) oo madhan.

B)      Dhinaca dakhliga; Cashuurta la qaaday, Muddadii Madaxweyne Axmed, Aug 2010 ilaa 2013. Waxa ay inno iftiimin xaqiiqda dhabta ah ee tilmaamaysa  in cashuurta la qaaday aad u yarayd 16%. Waxa isweydiin leh, maxaa sababtu tahay? Cashuurta berriga ee DIHIN markaa waa 84%. Sida shaxdan ka muuqata.

Cashuurtii Berriga       Miisaaniyadda      Korodhka              %

Sannadkii    2010         $   47 milyan

Sannadkii    2011         $   83 milyan        $ 36 milyan          76.6

Sannadkii    2012         $ 108 milyan       $ 25 milyan          30.0

Sannadkii    2013         $ 125 milyan        $ 17 milyan          13.6

Isugeyn guud                $ 78 milyan        166 %

 

 

 

 

 

 

 

 

C ) Cashuuraha kale ee DIHIN:

Saamiga Dhakhliga Noocyada Cashuuraha Ugu Muhiimsan

 

NOOCA CASHUURTA  BOQOLKIIBA INTA LA QAADO         BOQOLKIIBA INTA DIHIN                Remarks

M/M Ganacsiga  15 % 85 % Waxa ay COmPUTERku sahashay

M/M Daaraha     5%    95%  DiiwaanGelinta Ganacsiga

M/M Shaqaalaha Rayidka ah         2%    98%

Cashuurta  Gadista     1%    99%

Cashuurta Liisamada Ganacsiga   2%    98%

Cashuurta Wado-Marista     60%  40%

D)      Cashuuro mugg leh ee DAA-YACAN:

1. Macdanta iyo Petrolka.

2.Isgaadhsiinta.

3.Xawaaladaha.

4.Kaluunka.

5. Cashuurta qaadka

6. Cashuurta berriga 84 %. Aan soo xeroon.

7. Xoolaha dhoofka.

8.Dekedaha.

9. M/Macaashka shirkadaha Ganacsatada.

10.Hay’adaha.

11. VAT. Hotelada waa-weyn.

12. Madax iyo M/Xige, loo isticmaalo DANO KA DUWAN talagalkii, oo aan Goluhu ansixin.

MIISAANIYADDA DALKU, WAXAY GAADHI SANNADKII AMA KA BADAN $ 500 Milyan.

CILLADDU  MAXAY TAHAY ?

Dal waxa lagu hogaamiya Dastuur iyo sharci. Madaxda J.S.L. Waxa ay  ka GUURTAY QARAN. Waxa ay u GUURTAY QABIIL. Qabiilkuna wuxu u adeegaa danaha Gaarka ah. Sidaa darteed, Dhibaatada Dalka haysata waxa sal u ah Qabiil xambaarsan: Eex, Musuq-maasuq, maamul xumo, Karti darro iwm.

Bal aan dhawr tusaale soo qaato;

1. Warshadii sibidhka oo shaqo badan laga kasbi lahaa, waxa ay muddo dheer u fadhidaa, dhawr qof, oo sad-bursiimo isku haya. Khayraadka Dalka sida sharcigu dhigayo, Ummadda Somaliland way u siman tahay. Waxa haboon in  saamiyo (shares) dadweynaha laga iibiyo.

2. Tirada Lix iyo affartan (46) wasiir oo  mushahar koodu yahay sannadkii $ 877,299  Dalku uma baahna. Kow iyo soddon Cagaf-cagaf oo biyo-xidheeno iyo beero lagu qodo ayaa ka mudda karsan Kow iyo soddonka wasiir. Hawsha xukuumadda waxa ku filan Shan iyo toban (15) wasiir.

3. Kala xadeynta Gobolada iyo Degmooyinka, waxa xukuumaddu uga meeraysanaysaa waa reero iyo karti-darro.

4 Ku tagrifalka Haantida Qaranku waxa ay iyana salka ku haysaa waa Qabiil.

5. Shirkaddii petrolka ee dhowaan dalka ka guuray, waxa sababay qabiil.

6. Qandaraas yada qaar baan “Tender” lagu bixin. Fadeexadda dhismaha madaarka Cigaal ee Hargeysa, waxa sababay waa qabiil.

Xukuumadda hawlo badan baa u yaal oo ay ka mid yihii:-

1. Civil Registration iyo Voter Registration”, si doorashadu u qabsoonto wakhtigeeda.

2. Tahriibka dhaliyaradu ku le’atay iyo hooyada ciqaabtu u dhamaatay, ayaa mudan wax ka qabad. Dhakhso ah.

3. Shaqo abuur, looga faa’ideeyo dhalin-yarta iyo waayeelka shaqa la’aantu dishootay.

4. Daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada.

5. Ku dhaqanka sharciga Dalka iwm.

ISKU SOO DUUB, DHIBAATADA U WEYN  EE DALKU  WAA QABIIL iyo MAAMUL ka lunsan dhabadii toosnayd. Kor waxa aan ku soo xusnay in cashuura badani DIHIN yihiin 84%. Waxa loo baahan yahay habkii lagu soo ururin lahaa, ee looma baahna Cashuur cusub oo la saaro Xooliha dhoofaya iyo gaadiidka.

Waxa la yaab leh, halka wasiirka Madaxtooyadu la marayo Xukuumaddii Dalka. Wuxu wasiirku dhowaan warbixin ka jeediyay G/Wakiilada. Wuxu ka war-bixiyay Wasaradaha iyo Ha’yadaha Dawladda. Waa arrin ka baxsan Protocolka in wasiiro iyo maareeye jooga magaalada uu wasiirka madaxtooyadu ka war bixiyo, hawlihii Madaxweynuhu iyaga u igmaday.

Waxa Iyana ka sii yaab badan; war-bixinta uu wasiirka madaxtooyadu golaha u jeediyay, waa tii madaxweyne jeedin lahaa. Shirguddoonkii goluha iyo xil-dhibaanadii la soo doortay may odhan  wasiirka, ku ekow wasaaraddaada. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku labaduba magaaladay joogeen markaa  uu war-bixinta jeedinayo.

Mudane Madaxweyne Axmed, Dalkan waa loo soo halgamay, dad iyo maal ba waa loo huray. Talo iyo Toosin aad baa maanta loogu baahan yahay. “Maxay idin la tahay” ma aha wax culus. Dariiqa Xukuumaddu haysaa ma aha mid toosan. Ma haboona inaad dadkii soo halgamay, u nisbayso inay tacab kooda khasaare la rabaan. Cidi noogama lexejeclo badna Dalka.

ALLAA  MAHAD LEH.                                                                                                                                                      Eng. Maxamed Xaashi

 

 

 

Comments are closed